Askari Ka Tirsan Ciidamada Dawladda Oo Habeenkii Xalay Lagu Toogtay Deegaanka Af-gooye
Marka:23-Aug-2013-(SDN)-Kooxo hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonssan ayaa xalay weerar ku qaaday sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka shabellada hoose kuwaasi o dilay sargaalka halkaas ku sugnaa, iyagoo intaas ka dibna baxsaday.
Dilkan ayaa waxa la geystay wakhti fiid ah oo Salaaddii cisho ka dib ah, waxana ninka la toogtay uu ahaa wiil dhallinyaro ah.
Goob-jooge ku sugan Goobta dilku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay sidatan: “dilku waxaa uu ka dhacay xaafadda Oktoobar ee Afgooye, waxaana gaystay kooxo hubaysan xili uu marxuumka kasoo baxayay masjidka Timir”
Warka ayaa waxaa uu intaas ku darayaa in kooxihii dilka gaystay oo af duubnaa ay goobta ka baxsadeen waxaana halka dilka uu ka dhacay gaadhay ciidamo katirsan dowlada.
Dilalkan noocan ah ayaa intii muddooyinkii dambe ku soo noqnoqanayey Deegaanada ay dawladdu gacanta ku hayso, waxana jirta cabsi xooggan oo soo foodsaartay shacabka, iyagoo xilliyadda habeenkii aan guryahooda ka soo bixin.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com