|

Guddoomiye KU-xigeenka UCID oo khabiir Matt Bryden warbixin uu ka qoray taageeray

Hargeysa Aug 23,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Cali Guray ayaa taageeray warbixin uu dhawaan daabacay Matt Bryden oo ah khabiir aad wax uga qora arrimaha Soomaalida.

Mujj Cali Gurey ayaa qoraal uu ku faafiyay barta internetka ee facebook waxa uu ku yiri;Warbixintii Matt Braden waxay taabatay xaqqiqada ka jirta Somaliland marka aynu eegno sedex arin oo muhiim ah ayuu si gaar ah u xusay. Mida hore wuxu sheegay dheeliga awood qaybsiga ee beelaha Isaaqa iyo beelaha aan Isaaqa ahayn taas oo intii uu xilka qabtay madaxwayne Silanyo uu dhisay xukuumad isaaqagysan markii uu xilalkii ugu muhiim sanaa maamulkiisa uu ku taxay shakhsiyaad dhamaantood ka soo jeeda beesha dhexe ama Isaaq oo keliya.
waxa kale oo jirta in taariikhda markii ugu horeysay ay lixda xil ee ugu sareeya golayaasha qaranku ay dhamaantood noqdeen Isaaq marka laga reebo madaxwayne ku xigeenka, ka dib markii madaxwayne Silanyo xilka qabtay badhtamihii sanadkii 2010kii.

In kasta oo marar badan ay arintan ka hadleen siyaasiyiin iyo dad kale oo isugu jira kuwo Isaaq ah kuwo beelaha kale ah ba Madaxwayne Silanyo wuxu kaga jawaabay inu dhegaha ka gufaysto oo aanu haba yaraato eh wax tixgelin ah siinin, waana sida uu hadiyo goor uu yeelo marka la taabto cadaalad darada baahday iyo dulmiga hoos hoganaya carshigiisa iyada oo la ogyahay in awoodihiisa ay ku takri falaan dad aan iyaga la dooranin.

Arinta kale ey warbixintu Matt ay taabanaysay waxay ahayd doorashadii golayaasha dagaanka 2012kii oo ahayd doorashadii gawracday doorshooyinka Somaliland, hase ahaato eh masuuliyiinta sar sare ee xukuumaddu ay ku sheegeen doorasho xor ah oo xalaal. Taas oo madaxwaynaha laftiisu uu maray halkii ay mareen isaga na mariyeen wasiiradii iyo masuuliyiintii xukuumadiisa ee codkii dadku ay dhiibteen ku baabi’iyay beenta, ku shubashada iyo ka shubashada, isaga oo waa nasiib darada dhacdaye uu madaxwaynuhu og yahay in doorashada keliya ee qabsoontay intii uu xilka hayay ay noqotay tan keliya ee diig ku daatay tan iyo intii Somaliland ay u soo guurtay nadaamka doorashooyinka tooska.

Waxa kale oo Matt uu ka digay dibu dhac ku yimaada doorashooyeinka sanadka 2015ka, ee madaxtooyada, iyo wakiilada iyo dhibaatooyinka ka iman kara waana xaqiiqo jirta. Hadaba, marka aynu ognahay in madaxwaynaha iyo xukuumadiisa aanay ka go’nayn in doorashooyinkaasi ay walktigkooda ku dhacaan iyo inay si xor ah oo xalaal ah u dhacaan midna waxay leedahay dhibaatadeeda oo aan runtii la yaraysan karin, marka weliba uu xilka hayo madaxwayne aan isagu talinayn ee loo talinayo awoodihiisii na cido kale ku takri falayaan.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed