Khilaafka waayadan ku soo noqnoqonaya Beelaha Somaliland oo lagu macneeyey Guurtidii oo macno Beeshay una janjeedhsaday Arrimo siyaasadeed oo aan loo igman
Hargeysa:23-Aug-2013-(SDN)-Golaha Guurtida Somaliland oo ahaa golihii ugu magaca iyo maamuuska wanaagsanaa Somaliland, ayaa haatan noqday kuwo fadhiid ah oo Magac ahaan uun u jira, islamrkaana aan dalka wax la taaban karo u tarin.
Golahan ayaa u xuub-siibtay Gole siyaasadeed, kana tegay arrimihii dhaqanka ee ay u xilsaarnaayeen, waxana ay wakhtigooda inta badan siiyaan arrimo siyaasadee,iyagoo gees iskaga duway arrimihii lagu yaraynayey khilaafka Beelaha iyo Bulshada dhexdeeda oo dalku aad ugu baahan yahay.
Xilligan oo dalka ay ka taagan yihiin khilaafyo badan oo u dhaxeeyo beelo reer Somaliland ah, ayaa Goluhu isku dayayaa inuu Doorkiisa qaato iyagoo Dhinaca galbeed oo khilaafyo ka jiraan maalintii shalay u diray wafti 15-xubnood ah, Dhinaca kalena waxa la filayaa inuu Golaha Guurtidu wafti ballaadhan u diro shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Oog ee Gobolka Sanaag,kuwaas oo lagu wado inay Baxaan Maanta ama Berri oo sabti ah, waxase aad u yar amaba aan meeshaba Oollin kalsoonidii Goluhu lahaa maadaama uu ka leexday shaqadii uu caanka ku ahaan jirey ee uu karaamada ku lahaa.
Haddaba Golaha Guurtida oo u jeeddada loo Aasaasay ay ahayd inay ka shaqeeyaan oo damiyaan dhibaato kasta oo ka dhex timaadda Beelaha Somaliland, ayaa u muuqda kuwo gabay hawshii loo igmaday oo ka doorbiday waxyaabo kale oo aan bulshada ay meesha u fadhiyaan Dan badani ugu jirin.
Golaha ayaa haatan caan ku noqday inay fudaydiyaan oo ansixiyaan hawlaha la xidhiidha shuruucda iyo xeerarka Dalka iyagoo wada-shaqayn fiican la leh Dawladda dhexe oo si dhibyar uga dhamaysata waxyaabaha dantu ugu jirto.
Sidoo kale Golahan oo Somaliland dhexdeeda Karaamo badan iyo sharaf ku lahaa, islamarkaana duruufo badan oo aad u ad-adag kala soo dabbaashay dalkan, ayaa haatan aan ahmid badan siinin dhinaca xallinta khilaafka Beelaha, taas oo keentay inay muddadii dambe inagu bataan dhacdooyinkaasi.
Muddooyinkii ugu dambeeyey Somaliland waxa ku soo noqnoqonayey khilaafka iyo isku dhacyada ka dhex dhasha Beelaha wada Dega waddanka, kuwaas oo xallintoodu inta badan adkaato,waxana dad badani Aaminsan yihiin inay sababtu tahay doorkii firfircoonaa ee Guurtida oo meesha ka baxay.
Sababta uu Somaliland khilaafku ugu soo noqnoqdo ayaa lagu sheegay inaan la dhoobo-qaadin oo aan la Axadhin khilaafyadii hore u dhacay, iyadoo arrimaha khilaafka dhamayntoodana ay gasho xukuumadda oo aan wax badan ka aqoonin dhinaca dhaqanka, waxana meesha ka maqan doorkii Guutida oo ah inay ka gun gaadhaan oo meessha ka saaraan sababta keenaysa khilaafka.
Golaha Guurtida oo Somaliland duruufo badan oo ad adag kala soo galgashay, ayaa sababaha keentay wax-tar-darradooda lagu sheegaa inay ugu horeyso Xubnihii aadka ugu jajabnaa xallinta khilaafka reeraha iyo hawlaha dhaqanka oo meesha ka baxay, islamarkaana ay beddeleen dhallinyaro aan aqoon durugsan u lahayn hannaanka Guurtinimo ee umadda walaalaha ah loo wada hadashiiyo.
Qodob kale oo isaguna sabab u ah hoos u dhaca qiimihii Guurtida ee Bulshada dhexdeeda, ayaa ah inay Guurtidu u badatay Rag da’ ah oo uu ku adkaaday socodkii kartidii ay ugu gurman lahaayeen dadka meelaha fog-fog ku nooli, iyadoo qaarkood ay ku adkaatay inay xataa soo shaqo tagaan.
Waxa kale oo jira in Golihii Guurtidu Noqday Gole siyaasadeed oo ku biira loollanada siyaasadeed ee dalka ka jira, taas oo baalmarsan hawshii loo igmaday, waxana Goluhu uu xarakaad badan iyo shax-shax badan muujiyaa xilliyada xeerarku dhexdooda yaalliin oo ay gaadho xataa inay shuruucda qaarkood ansaxintooda ku gorgortamaan.
Inta badan waxa meesha ka baxday Kalsoonidii shacabku ku qabay Golaha Guurtida, iyadoo haatan lagaga kalsooni badan yahay Salaadiiinta iyo madax-dhaqameedka kale, waxana loo Aanaynayaa inay ka gaabiyeen doorkii wax-qabad ee ay ku lahaayeen xallinta hawlaha khilaafka ah ee soo dhex gala beelaha Somaliland.
Guntii iyo Gebadii haatan waxa ay Goluhu samaynayaan dhaqdhaqaaqyo badan oo la xidhiidha daminta khilaafyo ka taagan meelo Somaliland ka mid ah, waxase aan wali jirin hal arrin oo la taaban karo oo ay ku guulaysteen dhamaynteeda intii muddo ahaydba.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com