|

Dhimashada Xasuuqii Shalay ka dhacay Syria oo cirka isku Shareeray iyo Quwadaha Dunida oo ku kala qeybsamay cida ka danbeysa

Dimishiq Aug 23,2013(SDN)-Tirada dadka ku dhintay xasuuqii shalay ka dhacay magaalada Dimishiq ayaa cirka isku shareeratay ka dib kolkii la booqday degaankii weerarku ka dhacay duleedka caasimada.

Shalay waxa la sheegay in tirada dalka ku dhintay weerar loo adeegsaday sun uu ahaa ilaa 100 ruux.

Halka maantana la shaaciyay in tiradaasi ay 1,800 oo ruux oo caruur iyo haween u badan.

Dadkan ayaa la shaaciyay  in ay badankoodu dhinteen xili ay hurdeen.

Raiisul wasaare ku-xigeenka Syria Qadri Jamil ayaa hadal uu siiyay saxaafada waxa uu ku sheegay in xasuuqii ka dhacay duleedka Dimishiq ay geysteen mucaaridka iyo taageereyaashooda Galbeedka.

Halka Xoogaga ka soo horjeeda Xukuumadu ay sheegeen in degaankan ay ku badan yihiin Mucaaridku ay weerarka ku qaadeen ciidamada Bashaar Al Asad.

Caalamka ayaa qudhoodu ku kala qeybsamay cida ka danbeysa weerarkan iyo tilaabada ku haboon ee laga qaadi karayo.

Wariiska arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska Laurent Fabius ayaa sheegay in hadii ay u cadaato in ay xukuumada Syria ay sumeysay shacab in ay caalamka la gudboon tahay in ay tilaabo ciidan qaadaan.

Halka afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda ee Ruushka Alexander Lukashevichuu dhankiisa ka sheegay in weerarkan sunta ah ee la qaadey uu muujinayo sida ay dalalaka qaar uga goan tahay in ay carqaladeeyaan wadahadalada la doonayay in lagu dhxdhexaadiyo dhinacyada siyaasada ee dalka Syria.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan daba dheeraaay ee Syria ayaa u muuqda mid faraha ka baxay iminkana galay marxalad hor leh oo naxdin leh.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed