Wasiirka Caafimaadka oo dhagax dhigay Xarun lagu sifeeyo Kelyaha lagana hirgalinayo Magaalada Burco
Burco 22.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco Ayaa maanta dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo lagu sifeyn doono Kelyaha, xaruntan oo laga dhisi doono Cisbitaalka Magaalada Burco Gudaheeda ayaa waxaa Kulankii lagu dhagax dhigayay oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan.
dhagax dhiga ka dib waxa uu wasiirka Caafimaadka Xagla-toosiye hadal kooban ku sheegay in ujeedada safarkani ay ahayd sidii ay Cusbitaalka magaalada Burco ay u buuxin lahaayeen Kaalintii ay banaysay hay’ada MSF oo markii hore cusbitaalka Guud ee magaalada Burco gacanta ku hayn jirtay isla markaana Dhawaan uun mar kaliya sheegtay inay uga baxayso xaalad amni oo ay kala kulantay dalka Soomaaliya.
wasiiraka Caafimaadka Hadaladiisii waxa ka mid ahaa”waxaanu aniga iyo wasiiradaniba u nimi arinta Cisbitaalkan oo aad la wada socotaan,waxaa gacanta ku hayn jirtay Hay’adii baxday ee MSF, markaas socdaalkayagani wuxuu ku salaysan yahay in MSF oo baxday awgeed aanu Cisbitaalkani u dumin, hawshii la waday ay sideedii u sii socoto oo aan haba yaraatee aan waxba ka dhinmin halkii uu marayay, oo aanu marnaba hay’adaa u dhitiyin Cisbitaalkani.
wasiirku waxa kale oo uu ka dhawaajiyay xaruntan loo dhisayo mishiinka kelyaha lagu safeeyo inay gobolkan iyo gobalada barigaba uu muhiim u yahay isla markaana lagaga maarmayo taraagii ay dadka bukaanka ahi hargaysa u gali jireen.
Si kataba ha ahaatee wasiiradan sadexda ah oo maalmahanba la sugayay inay safarkan ku yimaadaan magalaada Burco, isla markaana cisbitaalka magaalada burco ay dawladu kaalintii ay ka baxday Hay’ada MSF u dabooli lahayd, cisbitaalkan oo ay hay’ada MSF ku kharash garayn jirtay Bishiiba in ku dhaw Boqol iyo Konton kun oo doolar ayaa waxa la filayaa sida ay kaalintaas u buuxin doonto, iyadoo uu cusbitaalka Burco uu adeegyo caafimaad oo bilaash a siin jiray Gobolada Bari ee dalka iyo waliba dad badan oo ka kala yimi dhulka soomaalidu degto.
Burco SDN.