|

Jawaari oo Sheegay in Baarlamanka danbe uu noqon doono mid ay Shacabku doortaan

Muqdisho 22.Aug 2013 (SDN)- Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorasho xor ah ay ka dhicidoonto dalka  marka uu dhamaado waqtiga dowlada,  isagoo xusay  in baarlamanka wax badan ay u qabsoomeen mudadii uu jiray

JawaariAfhayeenka Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in baarlamanka uu yahay hey’ada sharcidejinta ee ugu sareeysa dalka isagoo xusay mudadi sanadka aheyd ee uu shaqeeynayay baarlamank ay wax badan u qabsoomeen.

‘’Waxaa noo suurtagalay arrimo badan oo intii karaankayaga ahaa waxba aanan ka hakran hase yeeshee qiimeynteeda iyo habkii ay kusoo fushayba ay wacantahay iyo si kaleey tahaba anaga iskama lihin qiimeynta waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri mudane Jawaari.

Gudoomiye Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo iney qiimeyaan waxqabadka Baarlamanka,  isagoo hoosta ka xariiqay in Baarlamanku uu la yimid waxqabad la taabankaro.

Mudane Jawaari ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Baarlamanku uu u shaqeyndoono habkii loogu talagalay,  wuxuuna tibaaxay in Baarlamanka xiga kan uu noqon doono mid ay shacabku soo doortaan, dalkana ay gaarsiindoonaan doorashooyin xor ah.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed