|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Farsamada Gacanta

Muqdisho 22.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga farsamada iyo tababarka Soomaaliyeed kaasi oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dugsigan ayaa waxaa iska kaashaday dhismihiisa dowladda Denmark iyo Midowga Afrika waxaana ku baxday lacag gaareysa $147,600 dollar (Boqol afartan iyo todobo kun iyo Lix boqol dollar).

Madaxweynaha2-3Munaasabada xariga looga jarayay dugsigan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Mohamed Salah Anadif iyo xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka socda.

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka dugsigan ayaa sheegay in dowladiisa ay ku faraxsan tahay dhismaha dugsigaan cusub waxana uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan.

Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Mohamet Salah Anadif ayaa halkaasi ka sheegay in AMISOM iyo Denmarka ay iska kaashadeen furitaanka dugsigaan dhalin badan oo Soomaaliyeedna ay ka faa’iideesan doonaan.

Dugsigan cusub ee tababarka farsamada Soomaaliyeed ayaa ah kii ugu horeeyey ee noocisa oo kale ah oo laga hirgeliyo magaalada Muqdisho waxaana dhismihiisu uu yahay mid casri ah.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed