|

“Mar haday Aqalkayga Hadii laga Adkaadiyo Hadaan Raystay Idhaahdaba Marlay oohin u Tay bal maxaan Istafiiday ” Dardaarankii Abwaan Gaariye {DHAGAYSO}

Hargaysa 22.Aug 2013 (SDN)- Waa Maanso Xili kasta oo dhiilo Colaadeed ka dhex dhacdo Umad walaalo ah kana dhaxayso dhiig iyo Dhalasho loo adeegsado waa Maanso uu Alle ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye curiyay 1993kii Wakhtigaas oo uu dagaal sokeeye ka Socday Magaalada Berbera kaas oo u dhexeeyay beelo walaalo ah.

GaariyeWaa Maansada Ergo taas oo uu Hal abuurku si farshaxanimo leh inoogu soo Gudbinayay dhibka uu leeyahay dagaalka Sokeeye Waxay Maanta Waano iyo Wacdiba u tahay Cidkasta oo wada dhalasho ka dhaxayso oo Warmaha isu Soofaysta si ay u daadiyaan dhiig,Waxay Baraarug u tahay inta Samaha wada,Waxay abhinaysaa inta Hurinaysa Colaada,Waxay rajo u tahay inta nabada jecel,Waxay Labaatan Sanno kadib Maanta iyo Maansada Ergo ku fool leedahay dhiiladii Dagaal ee Shalay iyo Xalay ka dhacday Deegaanka God Heeli ee Degmada Gar adag oo Shaqaaqo dhimasho iyo Dhaawac Sababtay .

Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Maansadii Ergo
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ERGOIYOGAARIYE.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed