Wafti Ballaadhan oo uu Hogaaminayo Wasiir Waran-cadde oo u sii jeedo Deegaanka Shaqaaqadu labada Beelood ku dhex martay Ee Gobolka Sanaag
Hargeysa:22-Aug-2013-(SDN)-Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa habeenkii xalay goor dambe ka ambabaxay Magaalada Hargeysa.
Waftigan ayaa ku sii jeeda Deegaan ka mid ah Gobolka Sanaag oo shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo reer Somaliland ah, iyadoo ay xubno ka mid yihiin Salaadiin, wasiiro, Taliyayaal,aqoonyahanno iyo wax-garad kale oo tiro badan.
Shaqaaqadan oo keentay dhimasho iyo dhaawac, ayaa la soo sheegay in looga soo Gurmaday dhinaca maamulka Gobolka Sanaag,iyadoo ciidamo xoog leh la geeyey Aaggii dagaalku ka dhacay oo la sheegayo inay xaaladda gacanta ku hayaan.
Waftiga ayaa uu Habeenkii xalay Deegaanka Dacar Budhuq daad ku qaaday mid ka mid salaadiintii ugu miisaanka cuslayd Somaliland oo aan wali geeri iyo nolol midna la haynin.
Waftiga ayaa goor dhawd ka ambabaxay halkaas ay ilaa xalay joogeen, waxana u taalla hawl qabyo ah oo dhimasho keentay, iyadoo ay halkaas ka ambabaxay ka hor inta aan la helin maydka suldaanka oo wali lagu hawllan yahay.
Somalidiasporanews.com