|

Madaxweynihii Hore ee Masar Xusni Mubaarik oo xabsi guri loogu bedelay Xabsigii

Qahira Aug 22,2013(SDN)-Maamuleyaasha dalka Masar ayaa sheegay in aanu madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik xoriyad buuxda heli doonin ka dib kolka xabsiga laga sii daayo dhawaan.

Xukuumada Masar ee KMG ka ah ayaa culeys saaid ah kala kulantay xoogagii kacdoonka ku riday dawladihii Mubaarik iyo Morsi.

Waxaana jirtay cabsi weyn oo ku wejahan in kolka la sii daayo Xusni Mubaarik ay dalka Masar soo wejihi kareyso qalaalse hor leh.

Isla markaana ay mideyn kareyso Mucaaridka Islamiyiinta iyo kooxaha kale ee kacdoonka wada.

Madaxwenihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik ayaa xabsi ku jiray intii ka danbeysay sanadii 2011kii oo xukuumadiisii 30ka sanadood ka talineysay Masar kacdoon lagu riday.

Mubaarik ayaa lagu soo oogay denbiyo la xiriira dil loogeystay dadkii kacdoonka kala hor yimi iyo in isaga iyo ehelkiisu boobeen hanti qaran.

Ma cada halka madaxweynaha oo caafimaadkiisu liito lagu heyn doono inta uu sugayo maxkamadaha eedeymaha kale ee lagu soo oogay.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed