Laba Askari oo dablay Hubaysani ku dileen Magaalada Muqdisho iyo Haweenay Sweden u dhalatay oo dhaawacantay
Muqdisho 21.Aug 2013 (SDN)-Dabley hubeysan ayaa maanta ku toogtay meel ku dhow Isgoyska KM ee Muqdisho laba askari oo Booliis ah, kuwaasoo ilaalo u ahaa haweeney u dhalatay dalka Sweden oo la dhaho Ann Margareta Lihv taasoo ka soo baxday xarun ay Jaamacad ka mid ah kuwa Muqdisho ku leedahay meel ku dhow halka uu dilku ka dhacay.
Sida Wararku sheegay kooxaha dilka geystay ay wateen gaari yar, ayna toogteen labada askari oo gaariga ku jira iyadoo haweeneyda oo dhaawac fudud uu soo gaarayna ay markiiba meesha ka baxsatay.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dableydu ay doonayeen inay afduub ku qabsadaan haweeneyda balse ay u suurgeli waday markii ay haweeneydu ka baxsatay goobta, waxaana mar dambe laga helay xaafado ku dhow halka uu dilku ka dhacay.
Saraakiisha Booliiska DF Somalia ayaa diiday inay ka hadlaan falkan iyagoo sheegay inay baaritaano sameynayaan, waxaana falkan uu imaanayaa xilli dadaal weyn loogu jiro sidii lagu sugi lahaa amaanka Muqdisho.
“Dableydu waxay abaareen gaariga lagu waday haweeneyda oo ahaa mid yar, kaasoo xarunta jaamacada kasoo baxay, waxayna rasaas ku fureen askartii oo gudaha gaariga ku jira,” ayuu yiri goobjooge la hadlay GO oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu falku ka dhacay.
Kooxihii weerarka geystay ayaa markiiba goobta isaga baxsaday iyagoo uga tagay gaariga ay wateen askarta la dilay iyo maydadkii labada, iyadoo ruuxii la doonayay in la afduubo oo haweeneyda ahaydna goor dambe loo qaaday isbitaal si loogu soo daweeyo.
Falkan ayaa wuxuu cabsi weyn geliyay dadka Soomaaliyeed ee jidkaas mara, iyadoo wadada tagta KM-4 iyo safaarada Turkiga ee Muqdisho oo goobta aad ugu dhowna ay ahayd mid ay todobaadyo ka hor xireen ciidamada DF si loo sugo amniga safaarada.
Muqdisho SDN.