|

Degmada Gar adag oo lagu soo Gaba Gabaynayo Koob ay afar Degmo ka qayb galeen oo Nabada loogu Magac daray

Gar adag 21.Aug 2013 (SDN) Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobkii kubadda cagta ee nabadda ee ka socday degmada Gar’adag ee Gobolka Sanag ayaa galabta ka dhacaysa halkasi iyadoo ay goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin kala duwan oo heer Gobol iyo heer Degmo ahi.

Ciyaaraha Gar adagCiyaartan Final-ka oo dhexmari doonta kooxaha kubadda cagta ee ku ciyaarayey magacyada degmooyinka Gar’adag iyo Caynabo waxa ka soo qayb gelaya mas’uuliyiin ay ka mid yahiin badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Maxamed Geelle, isuduwaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolkaasi Md Madar Ducale-jabbuuti, Mayor-ada degmooyinka gr’adag iyo Caynabo, isuduwaha ciyaraha ee degmada Gar’adag Maxamuud Xirsi Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Sida la ogyahay koobkan kubadda cagta ee nabadda oo loo dhigay degmooyinka kala ah Caynabo, gar’adag, Ceel Afweyn iyo Oog waxaa loogu talogalay inuu qayb ka noqdo barnaamijyada ay xukuumaddu ku dhiirrigelinayso is dhexgalka dhalinyarada reer Somaliland, koobkaasi oo muddo ka soconayey Garoonka kubadda cagta ee degmada Gar’adag oo uu maanta ku soo gebageboobayo.

Gar adag SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed