|

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo Sheegtay inay Talaaleen Xoolo dhan afar malyuun oo Neef

Hargaysa 21.Aug 2013 (SDN) Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada Xoolaha Dr, Axmed Maxamuud Cagaweyne, ayaa maanta qoraal uu soo saaray Kaga xog-waramay Wax qabadka Wasaaradaas ee Lixdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan 2013.

Qoraalka Agaasimaha Guud  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com waxa uu agaasimaha Guud  sheegay in mudadii u dhexaysay  Jeeniweri ilaa bishii Juun ee sanadkan ay wasaarada u qabsoomeen  howlo badan  oo ay ka mid yihiin  Talaalka Xoolaha, isaga oo xusay in  wasaaradu ay talaashay mudadaasi xoolo dhan afar malyuun oo neef, oo laga talaalay cudurada kala duwan ee xoolaha asiiba.

Waxaanuu Agaasimaha Guud intaa raaciyey in la daaweeyey xoolo dhan  hal malyuun oo neef ,  Daaweyntaasi  oo uu sheegay agaasimaha Guud inay wasaaraddu ka fulisay dhamaan Gobolada dalka.

dr Caga WeyneAgaasimaha  Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Waxa kale oo uu sheegay in wasaarada  ay soo galeen gaadiid dhan Todoba Gaadhi,Gawaadhidaasi oo ka  howl gala Gobolada Marod.jeex, Awdal iyo Tog dheer iyo afar gaadhi oo kale oo iyana  la kala siiyey  ayuu yidhi Agaasimaha Guud Isuduwayaasha  Gobolada, Saaxil, Awdal, Gabilay  iyo Daad-Madheedh.

Agaasimaha Guud waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay  in wasaaradu ay shaqaalaysiisay  sagaal iyo labaatan  qof oo isugu jira  Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal  Caafimaadka xoolaha,kuwaasi oo loo kala diray  Gobolada iyo degmooyinka. Waxaanuu intaa raaciyey in sidoo kale sagaal iyo toban qof oo shaqaale ah  loo tababaray  Fayo dhowrka Hilibka,kuwaasi oo  haatan ka howl gala ayuu yidhi agaasimuhu dhammaan Gobolada dalka.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in haatan  la wado oo ay soCdaan hawlo ay ka mid yihiin, Dhismaha xarunta wasaarada, kawaanka Burco,Mashruuca Aroori,xeerarka : Caanaha, daryeelka Xoolaha,Daaweynta iyo Talaalka xoolaha  iyo dhoofinta iyo qaliinka.

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed