Haweeneydii Xerada Maslax ay ku Kufsadeen ciidamada AMISOM oo hadashay:Waxa la ila kufsaday Dumar kale
Muqdisho Aug 21,2013(SDN)-Haweeneydii dhawaanta ay kufsadeen ciidamada AMISOM ee degen xerada Maslax ayaa markii u horeysay saxaafada u warantay kana war bixisay fal danbiyeedkii lagula kacay.
Haweeneyda oo aan magaceeda la shaacin ayaa TVga Somali Channel uga waratay sidii loo afduubtay isla markaana loo kufsaday.
“ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa i afduubay oo indhaha iga xiray,waana ay i kufsadeen ka dibna waxa ay igu wareejiyeen ciidamada AMISOM oo iyaguna i kufsaday ina garaacay:ayay haweeneydu tiri.
Haweeneydan ayaa soo bandhigtay muqaal gacanteeda ku yiil oo u muuqday in lagu duray dawooyin ay sheegtay in loo adeegsaday kufsigeeda.
“ka dib saacado badan oo la i faro xumeeyay waa ay iska key soo tuureen,inta nin ee i kufsatayna ma garanaayo”ayay tiri mar kale haweeneydan ciidamadu kufsadeen.
Haweeneydan oo ah Hooyo dhawr iyo labaatan jir ah ayaa sidoo kale sheegtay in ay xerada maslax ku aragtay dumar kale oo iyagana la kufsaday.
“Waxa aan xerada ku arkay dumar kale oo iyagana la jir dilay lana kufsaday,khaasatan waxaan arkay gabar dhiig badan ka da’ayo”ayay tiri Haweeneydani.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa magaalada Muqdisho ka noqotay ta ugu hadal heynta badan ee sanadadii ina dhaafay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com