Sarkaal ka mid ahaa Ciidankii Soomaaliya oo hore ugu noolaa Mareykanka oo Maxkamadi ku Xukuntay in uu $15 million siiyo nin Amar uu bixiyay lagu jir dilay
Columbus Aug 21,2013(SDN)-Sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamadii hore ee Soomaaliya isla markaana Mareykanka isga tegey xili ay Maxkamadi ku socoto ayaa xukun ku dhacay.
Col Cabdi Aden Magan ayaa waxa lagu helay denbi ah in uu bixiyay amaro lagu jir dilay Abukar Xasan Axmed sanadihii 1980aadkii.
Xaakim Mark Abel ayaa faray in Col Magan uu Dhibane Abukar siiyo $15 million oo dollar.
Abukar Xasan Axmed ayaa Col Magan dacwadaa ku oogay sanadii 2010kii,iyada oo eeduna ay aheyd in uu Col Magan uu ahaa madaxii NSStii Soomaaliya mar uu xabsiga ku jiray mudo sadex bilood aheyd.
Dhibanaha ayaa sheegay jir dil xiligaa loogeystay ay sababtay in aanu haatan fadhiisan karin isla markaana dhibaato ay ka soo gaartay Kaadiheynta.
Mid ka mida qareenada dhibane Abuukar Christina Hioureas ayaa sheegtay in goaankan maxkamadee uu fariin u dirayo dadka denbiyada dagaal galay.
“Goaankani waxa uu u dirayaa farrinta ah in Mareykaku Hooy gabaad u noqon doonin kuwa galay denbiyada ka dhanka ah Xuquuqda aadanaha”ayay tiri Chirirstina Hioureas.
Abuukar Xasan Axmed ayaa waxa uu ahaa bare wax ka dhiga Jaamacadii Soomaaliya isla markaana qareen u ahaa qaar ka mida dadka xiligaa lagu eedeyn jiray in ay dawlada ka soo horjeedaan.
Col Magan ayaa Mareykanka isaga dhoofay oo haatan waxa uu ku nool yahay dalka Kiinya.
Halka Abuukar Xasan Axmed uu haatan u yahay la-taliyaha dhanka sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya,waxaanu wakhtigiisa inta ugu badan ku qaataa magaalooyinka London iyo Muqdisho.
SDN-Columbus
contact@somalidiasporanews.com