|

Cali Dheere:Ciidamada Dawlada ayaa Gabdhaha Soomaaliyeed au afduunaan kufsada ka dibna la wadaaga Ciidamada AMISOM

Muqdisho Aug 21,2013(SDN)-Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa ka hadlay dhacdadii ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee xerada Maslax ay ku kufsadeen haweeney Soomaaliyeed.

“Ciidamada dawlada ayaa marka hore afduuba Gabdhaha oo kufsada ka dibna waxa ay la wadaagaan ciidamada AMISOM”ayuu yiri Cali Dheere.

“Ciidamada dawladu waa haraagii meliishaadkii hogaamiye kooxeedyadii,waxa ay laayaan dadkooda,waxa ay kufsadaan Gabdheheena iyo hooyooyinka:ayuu Cali Dheere yiri mar kale.

Kufsiga oo dhibaato ba’an ku haya haweenka Soomaaliya ayaa hadana dhacdadan ay ciidamo ka mid ah AMISOM ku kufsadeen gabadhan ayaa aad uga yaabiyay reer Muqdisho.

madaxda dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa labadaba canbeereeyay dhacdadan isla markaana balan qaaday baaritaan.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed