Waa Geddii Hooyadiis lagu gowracay!! (QORMO)
Eed, Arxan daro, Itaal sheegad iyo Uur-xumo la isku beeraa waa waxa uu Aadanuhu kusoo Caana-maalayay illaa iyo aminkii ay Ilmo Aadan Is maageen oo midkood uu kii kale Ableeyda la dhacay Iilkana geliyay.
Sidaas beey Ayaan daradu u tiilay, Eebe Xikmadiisa ayeeysa ku ahaatay inuu Uunku noolaado, una tallaaba qaado Dhismo Aduun iyo Aayatiin Nololeed.
Rabise waa Awood badanyahaye, marna kama aalin Qof ama Qolo Kibir qooq iyo Qoor-taag Dunida la timid, si kasta oo loogu seeta-dheereeyayna Idil kuwii Alle ku kibray kuna Amar diiday waa kuwaa Dambeedkoodu Halaag daran ahaaday.
Gedaas waxaa ah Gabanada Soomaaloo Geyigeenii wacnaa Gu’yaal badan Gumaad iyo Gurac kasoo waday, oo Dadkii gayeeysiiyay Geeri iyo Gudcur Nololeed oo aan wali Gaba-gaboobin.
Gaabiska iyo Garasho la’aanta waa lagu gartaa Ruuxa aan Garaadka lahayn ee Gabal dhacay iyo Waa- Gaduudkuba u kala gaar ahayne, waa taa Gardaradii la falayay sideey hadba Geed usoo fariisanaysay ina gaarsiisay in Gidigeenba uu Gamuunkeedi ina gilgilo, saa inagaa horay u garan weeynay Joojinta Gumaadkee!!
Intii Cawo iyo Ayaan beeshay baa usoo joogtay Islaan wayn oo iyadoo Aqalkeeda fadhisa, Ilmaheeduna hareer tubanyihiin ay Inamo ay dhali kartoo Qoryuhu u wada garaaranyihiin usoo galeen oo inta ay Afka Dhulka u galiyeen Adimahana ka xirxireen halkaas Kufsi iyo Dil isugu daray.
Yaa malaysan karaya Inankii Afar jirka ahaa ee Berigaas Hooyadiis isagoo Eegaya intaa oo Xad-gudub ah loo geeystay bal inuu Inankaasi
Kolkuu Awood yeesho oo uu Koro noqonayo mid Umadiisa U adeega oo Arxan fala, iyo inuu Aarsi doon ahaanayo.
Labaduba waa Arrimo la qaadan karo, ileen Dadka Ilaaheey wuxuu faray inay isku arxan iyo Axsaan falaan, si Isla-joogoodu u hagaago oo Isku dhaca uga fogaadaan!!
Dulmiga waxaa iska diiday Ilaaheey, Dadkiisana wuu u diiday, waayo Dad ay Daano kala gaartay Dagaal ma hurayaan, Duniduna deganaasho beel bay taas ka heleeysaa.
Afar jirkii Aafada loo horseeday, wuxuu kusoo Indha qaaday, kunasoo dhex abaabay Umadeenii is cuntay ee Aroor kastaa Colaad ololeysa iyo Rasaas leeysku asqeeyo uun ku jiray, ugu dambeyntiina wuxuu Inankii barbarka ka istaagay oo ku biiray Balaayadii socotay.
Waa kan aan u bixinay Boqolaalka Magac, ee Beryihii kala duwanaa oo inasoo maray hadba Bog cusub uga qormayay Buug Taariikheedka Xaaladda Dalkeena.
Maan-laawe, Mooryaan, Ma nexe, Mindi-dheere, Dhiig miirte, Madax gooye iyo Milyan Magac oo kaleba waxaa loogu yeeray Miskiinkii yaraanta lagu maagay ee isagoo Macaan badan Hooyadiis la maqaar siibayo eegtay, markuu waayay cid usoo maciinta oo Muslinnimada laga mideeysanyahay un ku Magan-galisa.
Waa kan Inanku Tixdan Maansada ah ugaga sheekeeynaya Sooyaalkiisii Nololeed:
Magac badane baan ahay Midka la wada sheegoo Marna leeysku sheegoo
Soomaalida murgeeysee Musiibada Colaadaha Muda badan la taahdee Maydad jiifa Ciidiyo kuwo Maanki beeloo Mudacyada Rasaastu Maskaxdii tireeniyo qaar kaloo Musaafuray Mooradoodi ka cararay Iyo kuwo Macluuloo Gaajo Meel la jiifaba Midkeey eersanaayeen Mas’uulkii dhibkaan ahay Magac boqolka dhaafaa Mid kasta leeygu yeeraa Mooryaan ayaan ahay
Maan-laawe waan ahay Ma nexena marbaan ahay Midi-dhiigle baas iyo Madax gooye waan ahay Maalin waliba Magac beey Muslimku iigu yeeraan Anna maba dhibsanee Waan sii mushaaxaa Muran leeyma keeno Mayana leeyma oran karo Maal intii aan doonaba Midigtaan ku qaataa Ma warsado cid sidataba Maantase su’aal baan Miiska soo dhigaayee Magac badane ka sokoow Ma taqaan cidaan ahay?
Miyaan ku dhashay ceeynkaan? Markii aan yaraayee Magan-suge ahaayoo Maamadeeydi dhimatee Mooryaan dilaayeen Midkii laga il duufee Maciin looba diidee Kaligiis is maamulay Oo Maciishad raadsaday meereeystay Suuqyada Magansaday Dariiqyada Maan-doorshe cunayee Noloshaba Macaankeed Marna aan dhadhaminee Mar quraa wax sheegiyo aanba maqal wanaaga
Hadii uu Muruq yeeshoo Maanta noqoyay Qaan-gaar Maxaad iga sugeeysaan? Inaan idiin Mashxaradoon Maadeeys idiin dhigo Miyaad iga fileeysaan? Riyo Maalin weeyee Marna taas ha dhowrina Masraxii Colaadee Muddo soo tixnaabaan Meesha uun kasii wadi!!
Midkaas iyo kuwo markaas ku Da’ ahaaba Maanka lama galin ineey yihiin Curdin mudan Maaweelo iyo in Marin-toosan lagu hago, ileen Caruurta waa kuwii ay Diinteenu na fareeysay inaan Caqli iyo Cilmiba isugu geeyno Barbaarintooda, si ay Cawaaqibtoodu u toostee.
Maanta oo Cunugii Shalay Koriskiisa lagusoo ciyaaray uu Cudud yeeshay, waa kaas Ciil-kaambigii uu qabay iyo Caradiisiiba ku camal falay oo Culeeskii jiray Cad kale ku biiriyay.
Maxaa lagu galayaa haduu Geedka ka gurtay halkii ay Gacantiisu gaareeysay, ileen isagaanba Gayi Nabdoon iyo Duul isu garaabaya soo
arag oo waxaa lagusoo gardaadshay Gumac rasaaseed iyo Madfaca Guuxiisa.
Tan kasii darani waxay tahay, in Wali uu Magac badanuhu arkayo wax aan ka duwanayn wixii uu Wareerka kasoo qaaday, iyo Waayihii xumaa ee uu kusoo Waji furtay kunasoo waynaaday.
Wuxuu arkayaa Wixii Hooyadiis dilay oo wali jira, iyo Waayeeladii oo aan ka waantoobin waxay xumo soo faleen.
Eex iyo Abtirsiimo lagusoo dhawaysanayo midka Ibitlada wado ayeey ahayd ta Colaada aan idlaaneeyn ina dhaxalsiisay, walina Umadeeyda Soomaaliyeed waa u ugub arrintaas waana ay usii Indho taagayaan, iyagaase yaqaan halka ay ugasoo harayaan.
Waxaa hubaal ah hadii kolkeey Xaajada iminka guracantay Ugubka ahayd la is eedi lahaa, oo inta Fitnada hurineeysa Farta lagu wada godi lahaa, in arrinkeenu Maanta halka uu marayo ka hagaagsanaan lahaa.
Iminkaanse wali Waqti heeysanaa oo Ilaaheey Nafta inagama qaadin goor la inaga qaadayse garan meeynee, armeey inoo qumantahay inaan Hambada yar ee inoo hartay bad-baadsano oo ku waana qaadano Wixii laga helay Wareerkii hore.
Kuwa wali u heelan Garab istaagga Gumaad-wadayaasha, ee Af iyo Adinba u noqonaya Arxan laawe Umadda Wanaageeda is hor taagay, waa ineey dib u eegaan Dhaxalkii laga helay Dhibtii hore, oo ay iska dhaadhacsiiyaan in Qabashada Dambiilaha ay Qayr u tahay Dadka iyo Dalkeenaba.
Ogaada hadii aad kusii Gacan adeeygtaan Go’aankiinan ah inaad u gurmataan Gacal fogeeyaha Hooyooyin badan Gablan biday, waxaad horseed u noqon doontaan in Hagar-badnayaal isaga la mid ah oo Cadaaladdu ay haleeshay ay iyaguna Habar-wacdaan loonasoo hiiliyo,
kolkaasna Xaajadu sii qota-dheeraato oo Qiiqii Dagaalka ee inasoo qaribay lasii qorsheeyo mar kalena loo qalab qaato.
Geba-gebadii Qormadan, waxaan qirayaa in Qoraalkeeygan uusan ku qotomin Qabyaalad iyo kala qoqobka Dadkeeyga. Waxaana aad qiimo iigu leh Nabad iyo Midnimo aynu hanano, si Gocashada Dagaaladu inooga haraan.