Shacabka Reer Muqdisho Oo Saaka Qaadaa Dhigaya Xubno Shabaab ka tirsan oo Xalay laga soo qabqabtay meelo Mitirro u jira Madaxtooyada Soomaaliya
Muqdisho:21-Aug-2013- (SDN) – Subaxan Saaka ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay si aad ah u hadal hayaan arrin habeenkii xalay ahaa ka dhacday Agagaarka Aqolka Madaxtooyada Somaliland.
Gurigaasi ayaa waxaa xalay weerar ku qaaday ciidamada Nabadsugida Dowladda Federaalka Somalia, oo xidhay dhammaan aagga, islamarkaana dhammaan luuqyada ka dhow ku daadiyey ciidan, iyada oo la tuhmayey in khatar xooggan ay kasoo wajahneyd gurigaas.
Ciidamada nabad sugidda ayaa howl galkaasi kusoo xidhay afar nin oo la sheegay inay yihiin ragga ugu khatarsan uguna tababarka adag ee kooxda Al-Shabab, oo halkaasi ku maleegeyey shirqool xooggan.
Howlgalkan oo ahaa mid Taxaddar badan ayey ciidamadu waxay u dhaceen dhismihii ay ku sugnaayeen raggaasi ay kaxeysteen, iyadoo la sheegay in intii uu howlgalka socday ay dhaceysay rasaas muddo socotay, kadib markii kooxdu ay isku dayday inay is daafacdo.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in gurigaas lagu diyaarinayey shirqool ay suurta gal ahayd inuu geysto khasaare xooggan, mana cadda haddii shirqoolka loo diyaarinayey madaxtooyada ama meelo kale oo ka mid ah magaalka.
Afartaa nin ayaa la sheegay in si degdeg ah loo geeyey dhinaca xarunta Nabadsugidda, iyadoo arrintaasina abuurtay shaki laga qabo awoodda ciidanka sirdoonka soomaaliyeed.
Dad farabadan, ayaa ilaa iyo hadda la yaaban isna weydiinaya sida kooxdaas ugu soo dhowaatay madaxtooyada, waxaana sidoo kale su’aal ku noqotay sababta xubnahaas sare ee Al-Shabab ay ugu dhiirradeen meel ay ku xoggan tahay dowladda Somalia.
Sidoo kale waxa ay shacabku isla dhex marayaan oo sheegayaan inay wali magaalada ka taagan tahay khatar ammaan darro, maadaama raggii ugu sarreeyey xarakada Al-shabaab oo halis amni ku haysa caasimadda.
Somalidiasporanews.com
Contacta@somalidiasporanews.com