Golaha Deegaanka ee Magaalada Boorama oo uu u furmay Kalfadhigoodii Sadexaad
Boorama 20.Aug 2013 (SDN)- Kalfadhigii sadexaad ee golaha deegaanka degmada Boorame ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta dawlada hoose ee magaaladaasi.
Kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen xildhibaanada golaha deegaanka uuna sidoo kale kala qayb galay Gudoomiyaha Goboka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa waxay ku gudo galeen ajendayaasha kalfadhigaasi oo ka kooban todob qodob oo kala ah:
1. Warbixinta gudoomiyaha Golaha deegaanka ee sadex biloodka ah iyo waxyaabaha u qabsoomay.
2. Waxqabadka guddi hoosaadka golaha deegaanka iyo gudoonkooda.
3. Caqabadaha ka hor yimid hawlihii shaqo ee ay qabteen gudiyada deegaanku.
4. Dib u eegista qodobada xeer hoosaadka golaha ee wasaaradda arimaha guduhu soo celisay.
5. Hirgelinta maamul daadejinta afartii xarumood ee dawlada hoose ee waaxyaha magaalada Boorame.
6. Dib u sixidda nashqadaynta guud ee dhismaha magaalada Boorame iyo dejinta qorshaha magaalada.
7. Samaynta qorshaha horumarineed ee degmada Boorame yeelanayso shanta sano ee soo beegan.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md cabdoo Axmed Aayir oo furitaankii kalfadhiga ka hadlayey ayaa u jeediyey mudanayaasha inay dardar geliyaan hawlahooda shaqo isla markaana adeega ay bulshadu ka sugayso dhamaystiraan.
Boorama SDN.
contact@somalidiasporanews.com