|

Wasiirka Beeraha oo la Wareegay Deeq Siidhka Beeraha ah

Hargaysa 20.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Beeraha Md. Faarax Cilmi Maxamuud( Geedoole ) ayaa maanta kala wareegay hay’ada ARAHA deeq siidh-ka Beeraha ah oo loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan Beeralayda Somaliland.

Deeqdan oo ka timi hay’ad maraykan ah oo lagu magacaabo LIVE FOR RELIEF AND DEVELOPMENT  ayaa hay’adda ARAHA oo la soo mariyey  waxay ku wareejisay wasaarada beeraha.

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda beeraha oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyin ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo xidhiidhka golayasha, wasiiru dawlaha maaliyadda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha macdanta, dib udejinta iyo hay’ayadaha ay wasaaradda beeraha wada shaqaynta leeyihiin, halka sidoo kalena uu kulankaa goobjoog ka ahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Md Geedoole oo faahfaahin ka bixiyey siidhka oo u badan khudradda iyo midhaha kale ee cuntada ayaa sheegay in qiimahiisu gaadhayo in ka badan  labo milyan oo doolar ay ka faa’iidaysan doonaan beeralayda beeraha waraabka, ayna tahay kaalmo ay helitaankeeda gacan ka gaysteen muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugan dalka maraykanka.

Hargaysa SDN.
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed