Taliyihii Booliska Saldhigga Wajaale Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Uu Diiday In Derajadiisa Dib loo Rifo
Hargeysa:20-Aug-2013-(SDN)- Taliyihii Booliska Saldhiga Wajaale Muxumed Yare ayaa maalin ka hor lagu soo xidhay Xerada Birmadka Hargeysa, kadib markii loo sheegay inuu soo celiyo Derejo hore loo siiyey oo aanu u qalmin.
Taliyaha ayaa hore loo siiyey Derejada Kabtanka, waxase lagu wargeliyey inuu xaq u leeyahay laba-xiddigle taas oo uu isagunka iska diiday inuu u hogaansamo.
Markii la sheegay inuu Taliyuhu diiday ammarkaas la siiyey, ayaa waxa loo diray saraakiil sarsare oo ciidan aad u xoog badan wata kuwaas oo xoog ku soo kaxeeyey kuna xidhay xerada birmadka Hargeysa.
Sababta looga qaadayo derejada Hore loo siiyey, ayaa lagu sheegay in loo khaldamay, waxana ay arrintaasi dhashay in shacabka ku dhaqan Deegaankaasi si aad ah uga soo horjeestaan xadhiga iyo derejo ka rifidda taliyahaas, iyagoo dareen cadho leh ku qaabilay tallaabadaas ay xukuumaddu kula kacday.
Taliyahan ayaa ka mid ah kooxo askar ah oo derejadooda hoos loo dhigay ka dib markii ay saluug ka muujiyeen waxa la siiyey, iyadoo ay jiraan rag kale oo iyadoo dano gaar ah laga leeyahay Derejooyin aanay xaq u lahayn lagu taxay.
Lama garanayo halka uu salka dhigi doono xadhiga taliyahani, waxase muuqata inuu muddo sii xidhnaan doono inta uu u hogaansanaanayo Amarka la sheegay inuu ka dhego adaygay ee ahaa inuu badh soo celiyo darajadii hore loo siiyey.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com