Madaxweyneyaasha Morsi iyo Mubaarik oo Xabsi iyo Xoriyad la isu weydaarinayo
Qahira Aug 20,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarik ayaa lagu wadaa in Xabsiga laga sii daayo maalmaha ina soo haya iyada oo xukuumada KNG ah ee dalkaasi ay qorsheyneyso in ay madaxweynihii u horeeyay ee dalkaasi Maxamed Morsi in denbiyo hor leh lagu soo oogo.
Madaxweyne Mubaarik oo xabsiga haatan ku jiray xabsiga intii ka danbeysay kolkii ciidamada dalkaasi ay taladii dalkaas oo uu hayay mudo sodon sanadood ka badan ka tuureen.
Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa Mubaarik ku heshay denbi la xiriira dilalkii loo geystay dad ka badan 900 oo dibedbaxayaal,balse racfaan uu goaankaa ka qaatay ayuu ku guuleysay.
Hadana waxa soo baxaya warar tibaaxaya in madaxweyne Mubaarik iyo madaxdii kale ee xukuumadiisa ka tirsaneyd in la siideynayo dhawaan.
Xili haatan denbiyo cusub loo maleegayo madaxweynihii u horeeyay ee doorasho xor ah talada Masar kula wareega Ebid.
Madaxwda KMG ah iyo ciidamada ayaa wada qorsheyaal ay denbiyo cusub ugu soo maleegayaan madaxweynaha.
Talaabadan ayaa sababi kareysa in shacabka dalkaas ee kala qeybsan haatan ay mideyso bacdama ay ka siman yihiin naceybka xukuumadii Mubaarik.
Waxaana dhici kareysa in labada dhan ee Islaamiyiinta iyo cilmaaniyiintu in ay meel dhexe isugu yimaadaan kolka ay arkaan dhabaha siyaasadeed ee dawlada KMG ahi ay qaaday.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com