|

Alshabaab Oo Markii Ugu Horraysay Si Adag uga Hadashay Gumaadka Lagu Hayo Ikhwaanu Muslimiinka Dalka Masar

Baraawe:20-Aug-2013-(SDN)-Ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatada  iyo Xasuuqa ay ciidamada Masar ay ku hayaan shacabka taageerayaasha u ah Maxamed Mursi iyo ururka Ikhwaanka.

 

SHABAABIGAAlshabaab ayaa war ay ku daabaceen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka  kaga hadlay xaaladda ka taagan dalka Masar iyo baaq ay u direen ikhwaanul muslimiinta dalkaasi.

Qoraalka ay Alshabaab soo dhigeen Boggaada ayaa u dhignaa sidan:

 

“Xasuuqa ay Melleterigu kula kaceen shacabka muslimiinta waxay caddeyn u tahay in ciidanka Masar lamid yihiin Yahuudda,ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba,waa ciidan go’aan ku gaadhay in ay muslimiinta gumaadaan”

Mar ay al-shabaab fariin u dirayeen shacabka masaarida, waxa ay yidhaahdeen,“Haku kadsoomina cambaareymaha aan qiimaha laheyn ee reer galbeedka kasoo yeedhaya,waxba idiinma tarayaan aan ka aheyn in xasuuqa idinkusii kordhiyaan ciidanka daalimiinta ah, sababtoo ah iyagaa ciidanka masar lacag kusiiya shacabka, Pentagon ayaa bixiya amarka lagu xasuuqayo shacabka”.

 

Alshabaab  sidoo kale waxa ay talooyin ay muhiim u arkaan siiyeen ururka Dagaalka Ba’an lagu hayo ee Ikhwaanka, waxana ay yidhaahdeen,  “ Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaan idinkula talinaynaa in ay Allaah ka cabsadaan oo aysan shacabka ku baabi’in dimuquraadiyadda bilaa natiijada ah,iska ilooba dimuquraadiyadda..hubka qaata naftiinana ka difaaca dad qalatada  sida kalsoonaan la’aanta ah idiin xasuuqaysa”.

 

Ugu dambeyn waxaa bayaanka lagu sheegay in xasuuqa Masar ka socda aanu   aheyn kaliya mid ka dhanka ah Ikhwaanka ee uu yahay mid ka dhan ah islaamka lana doonayo in lagu dabar jaro muslimiinta dhulka Masar, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Alshabaab.

 

Waa markii ugu horraysay ee Al-shabaab ay  ka hadlaan Dagaalada Ba’an ee intii muddo ahba ka socday Masar, waxana ay shacabkaas kula taliyeen inay u midoobaan Dagaalka reer galbeedku ku hayaan Dalkooda.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed