|

Safaaradda Soomaalidu Ku Leedahay Yemen Oo Bilowday Diiwaangelinta Arday ka Faa’iidaysanaysa Deeqo Waxbarasho Oo Ay Heleen

Sanca:20-Aug-2013-(SDN)- Iyadoo ay soo kordhayaan Deeqa waxbarasho ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshadu ka helayso waddamada Carabta,  ayaa    Safaarada Soomaaliya ee  wadanka  Yemen,  waxay   bilawday   diwaangalinta ardayda  Soomaaliyeed  ee dhamaysatay waxbarasha dugsiyada sare ee ku  nool  xerooyinka  qoxootiga  dalkaasi Yemen ku yaalla. .

 

qunsulkaQunsulka soomaalida u fadhiya dalka Yemen Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay saxaafadda, ayaa tilmaamay in safaarada Soomaaliya  ee wadanka ay soo gaadhayaan waalidiinta ardayda dhamaysatay dugsiyada sare  ee  dalkaasi ku yaalla ee aan awoodin in carruurtooda  ay helaan waxbarasha heerka jaamacadeed ah,  kuwaas oo doonay inay ubadkooda uga faa’iideeyaan  fursadaha  waxbarasho ee  dawladda dhexe ee Soomaaliya ay ka heshay dalka dibediisa, taasi oo ay usoo marsiisay   qunsuliyada Soomaaliya ee Cadan.

 

Qusulka ayaa daboolka ka qaaday in ardayda ka faa’iideysanayso deeqahaasi waxbarasho ee Yemen ku sugan ay imtixaanka geli doonaan dabayaaqada bishaan aynu ku jirno, isagoo intaa ku daray in marka Imtixaanka ay qaadaan kadib ay natiijooyinka u soo gudbin doonaan Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada, waxaana uu  meesha ka saaray  in ay dhacdo  musuq maasuq lagu sameeyo deeqahaasi.

 

Axmed Cabdi Xasan  ayaa  xusay  in deeqaha waxbarasho ee ay helayaan ardayda Soomaaliyeed ee Yemen ku dhaqan aanu ahayn kuwa ku filan balse ay rajo weyn ka qabaan in deeqaha ay isa soo tari doonaan.

 

Wasaaradda Adeegga Bulshada ayaa qaxoontiga soomaaliyeed ee Yemen ku nool u qoondaysay ilaa 20-argay inay siiso deeqdaas laga helay yemen taas oo la sugayo inay arday intaas ka badani imtixaan u galaan si loo kala saaro.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed