Dowladdaay Dukaameysiga daa
Ilaahow adaan waxba kaa qarsooneyn. Anigu waxaan arkayaa, Dowladda maanta dalka ka arrimineysa, siiba hoggaankeeda sare in aanay diyaar u ahayn hanashada howlaha loo doortay ama loo igmaday.
Waa mas’uuliyeen xilal culus lagu aaminey loona dhaariyey. Balse hab dhaqankooda, hadaladooda, gudashada waajibkooda, fikradahooda, ficilladooda iyo go’aamadooduba waxay istaweynayaan niman hayya xilal dhalanteeda oon dhab ahayn.
Waxaad mooddaa inay cid kale u daba fidhiyaan jaangoynta iyo meelmarinta arimaha Dalkooda iyo dadkoodaba khuseeya. Markaan rogrogey een si taxadar leh ugu fiirsaday, waxaan ku qiyaasay khibraddooda, aqoontooda maamul dowladnimo, garaadkooda siyaasadeed, garashadooda iyo shaqadooduba inaaney ka korreynin kuray iskasoo uruursaday heerka dugsiyada dhexe ee dalka iyo dibaddaba.
Kuraydaasoo tababar iyo tijjaabo fulintuna u dheertahay ku qaadaneysa xafiisyadii ugu sareeyey talada dalka iyo dowladdaba. Dowladda Dugsiyada Dhexe (DDD) waxaa loogu sii daray awoodii madax dhab ahi lahaan jireen iyo aqoonsi caalami ah.
Shacabka Soomaaliyeed Qurbojoog iyo Qolqoljoogba aad bey ugu diirsadeen waaney soo dhoweeyeen in Dowladdooda la aqoonsado, jiritaankeedana muranka laga saaro. Waxaase ayyaan darro ah in Hoggaanka sare ee DDD aaney karti iyo aqoon ku filan u lahayn siday shacabkooda u daajin lahaayeen beerta xorriyadda caalamka ee lagu sii dhex daayey iyagoo ka maqnaa muddo ku dhow 23 sannadood.
Waa niman loo hanweynaa laguse hungoobey. Waa niman la moodey noqonse waayey. Waxay qabatimeen qaarkood, sida Mudane, Guurguurte inay sidii lo’da funaanaan beer ba’day ama waa hore la gooyey ama dagaaladii sokeeye ku gubatay.
Qosol baa ka soo hadhay, waxaa filanwaa ku ah darajadan dalka u sreysa, aqoonsigan la siiyey, beertan xorriyadda ee gun iyo baar buuxda ee uu mar qudha arkay isagoo dhextaagan, Dowladda Dugsiyada Dhexe xubnaheeda kalena uu ugu yeedhay oy ilaa hadda dhex dayeysanyihiin.
Waxaan qalbigeyga iyo qalinkaygaba ku qirayaa in Dowladda Dugsiyada Dhexe kurayda lagu weheliyyo oyna ku jiraan tiraba laba aan la dafiri Karin dadaalkooda, wax qabadkooda, kartidooda iyo habsami u dhaqankooda.
Dhankasta oo laga eegaba labadan wasiir wey ka korreeyaan kureyda intooda kale. Waxaan ka xusayyaa oo ka mid ah Dr. Marwo Maryam Qaasim Ahmed Wasiirka Waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimaha Bulshada.
Waxaanse arkayaa oon shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo horumarka jecelow idiin sheegayaa in Dr. Maryam iyo wasiirka kale eenan halkan magaciisa idiinku soo gudbin labadaba loo dardaarwalinayo oon filayo in xilka qaadis lagu sameyn doono dhowaan.
Waxaa ayaandarro ah kii kureyda la filayey inuu xakameeyo xumaha, xassarada iyo marba gobol xagxagashada afarta beerta dhex doobyeysa in aanuu kaba rooneyn. Afartu waa Hoggaamiyaha sare Nacweyne, Guurguurte + Ka madaxtooyada Dillaalweyne, Sakkiin + Ka daakhiliga dakharweyne iyo ka gaashaandhigga Qassweyne (Qass wade weyn). Wasiirka kowaad howshiisu afartan ayey u qaybsantahay.
Waxaase kaalintiisii kaga aadaneyd xakameyntooda iyo waajibaad kale oo badanba gabay Danbiweyne, ka baarlamaanka Jawaari. Wuxuu si badheedh ah u difaacaa, falalkooda waxashnimo iyo xadgudubyada qawaaniinta dalka iyo xuquuqda dadka. Difaacani waa qayb ka mid ah ka dukaameysiga Jawaari ee dhiiga shacabka iyo dalka gaar ahaan shacabka iyo Badda Jubbalnd.
Dowladda Dugsiyada Dhexe waxay ku baratamayaan wax la yidhaahdo heshiisyo ay la galaan shirkado gaar loo leeyahay. Dabcan heshiisyo wax tar u leh bulshada dadka iyo dalkaba wey jiraan, lakiin Xaalkoodu taa waa ka duwanyahay waana, saxeexaye adiguna ma saxeexday. Ujeedada u weyn ee laga leeyahy heshiisyadan, waxey tahay ka dukaameysi iyo dano dhaqaale oo gaar ah.
Heshiis la galaa wuxuu u baahanyahay in si cilmi ah baadhis loogu sameeyo. Macluumaad fara badan la uruuriyo. Hay’dda ama xafiiska ay khusaysaa soo sameeyo qoraallo ay ku qeexayyaan baahidooda iyo sida ay wax u doonayaan oo lagu daro astaamaha iyo shuruudaha laga rabo inay yeeshaan shikaradaha heshiiska lala gelayaa. Wada tashi badan laga sameeyo.
Wax tar iyo wax yeello midduu leeyahay la isu miisaamo. Si guud loo soo bandhigo oo loogu tartamo. Maamulgobaleedyada talada wax laga siiyo. Golayaasha dowladda iyo shacabca oo laga ansixiyyo. Waxaadse mooddaa taa badalkeeda in lala kala cararayyo oo danaha gaarka ah laga horaysiinayo ta danta guud’
Waxaa la yidhi: Ruuxu wax kasta oo uu falo, wuxuu u sameeyaa laba sababood, mid dhab ah (oo isaga u qarsoon, marna lala arko) iyo mid uu dadka maqashiiyyo oo dhagaha u roon, waxbase ka jirin. Waxaan arkayyaa in sadexda “D” ee Mudane Xasan Sheekh ku dikriyi jiray, macnaha oo ku sheegay ay ahaayeen kuwo dhagaha u roon, laakiin macnaha dhabta ahi uu isaga u qarsoonyahay.
(Dalka, Dadka & Diinta). In saddexdiisa “D” uu macna habaabinayo Waxaa daliil u ah:
“D” Dadka:
Hoggaamiyaha Dowladda Dugsiyada Dhexe, wuxuu waaliduul af iyo addin isugu jira ku qaaday illaa iyo haddana ku hayyaa, Dadyowga ku dhaqqan Gobollada Jubbaland, Shabeelada dhexe, Shabeelada Hoose, Puntland iyo Somaliland. Iyadoo ay ahayd inuu darin nabadeed u fidiyo dib u heshiisiinna kusoo wada dabbaalo.
Waxay ahayd inuu wanaagii hore iyo heerkii la soo gaadhay meeshiisii ka sii wado. Wuxuuse gucle orod ugu jiraa inuu nabaddii yarayd ka kala daadiyo. Guurguurte waa Hoggaamiye mathalaya wanaag, oo qosol badan. Hassa yeeshee ficilkiisu ka duwanyahay afkiisa. Waana ficil iyo go’aan nac iyo cuqdadi ka buuxdo.
Dowladdani waxay xumo Dalka iyo dadkaba dhaxalsiisey halkan laguma soo koobi karo. Haday kureydu inuun damiir leeyihiin, oy dalka iyo dadka u damqanayaan, intey Gudoomiye Tarsan oo wax la taaban karo ka qabtey Caasimadda Xamar, u dig iyo dam leynayaan ka daakhiliga iyo gaashaandhiggay dalow dheer ka tuuri lahaayeen.
Labadaba Xilkay ka xayuubin lahaayeen. Dhiigey daadsheen bey kula xisaabtami lahaayeen. Xadhig, dil iyo daldalaad tay mutaystaan bey la beegsan lahaayeen. Hadday wax kale yeeliwaayaan, na dhaafoo meeshaad ka timaadeen ku noqodey odhan lahaayeen. Indhaha shacabkey dadkoodii xasuuqeen bey ka qarin lahaayeen.
Marka laga tago inta amni darro iyo tacaddi aynu wada ognahay loo geystey shacabka soomaaliyeed, mid xabsi ku jira iyo mid xaalku ku xunyahay, mid Jubbaland jooga iyo mid Jowhar iyo Marka ku nool, bal yaabkan iyo amkaaggan DDD ku lug leedahay ee la leeyahay wey ka dukaameysanayeen jidhka hablaha Somaaliyeed eega. halkan ka daawwo.
http://waamonews.com/?p=30013
“D” Dalka:
Inay tahay Dowladda Dugsiyadda Dhexe mid habowsan oo heehaabeysa bal wada shaqayn li’idan iyo is barbaryaacan eega dalka lagu duminayyo.
Wasiir DDD ka tirsan oo Dowlad Daris ah eedaynaya 30.Jun.2013 halkan ka akhriso.
http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2464
DDD oo dacwad rasmi ah isla Dalkaa ka gudbisey 30.Jun.2013 halkan ka akhriso.
http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2551
Todoba (7) casho dabadeed Hoggaamiyaha DDD Guurguurte ayaa beeneeyay eedaymihii wasiiradiisa, shaygayna in baadhitaano la wado, ilaa ay soo dhammaadaanna aan cidna la eedyn karin. Isla markaana shaaca ka qaaday in Dalka la eedaynayaa uu yahay Dal ay saaxiib yihiin, xidhiidhkooduna uu marayyo halkii ugu sarraysay. O7.Jul.2013
Marka dadka kiisa weyn ee khibradda leh iyo waxgaradka howsha kaaga horreeyey aan waxba la weydiin, dhaxalkeedu waa tanoo kale oy ka muuqatto bisayl la’aan dhan kastaba taabaneysa, Isbar-bar yaac , is burrin iyo is miidaamin siyaasadeed. halkan ka daawwo.
http://allbanaadir.net/infusions/the_kroax/embed.php?url=398
Waxaan arkayyaa oon aad ula yaabay, Hogaamiyaha DDD oo intuu Kambaala ka soo noqdey, bishaaro ka dhigaya in lagu wareejin doono Dakkada iyo Gagida Dayuuradaha magaalada Kismaayo, Jubbaland.
Miyyaanuu ogeyn in Dakkadan uu ka sheekeynayaa ku taallo dalka uu Hoggaamiyaha ka yahay. Mudane guurguurte wuxuu u baahanyahay dhaqan celin, siyaasad celin, qabyaalad celin, xishood celin iyo caqli celin. Waa inuu ogaado in canaad iyo isu fiirsasho aan wax natiija ah lagu gaadhi Karin, dalkana dani ugu jirin, dadkuna ku sii kala fogaanayaan. Sidaana fursado nabadeed iyo waqti kale oo fara badan oo qaali ahi ku lumayaan
“D” Diinta:
Guurguurte in “D” da uu sheegaa aanay Diinta ahayn waxaad ku xaqiiqsataan;
Wuxuu Xilalkii ka qaaday taliyihii iyo abaanduulihii ciidamada, General Diini iyo General Dhagabadan oo Shabaab meel ay ka galaan la’aayeen, geed walba iyo dhufeys walbana ugu galay.
Waa taliyayaal guulo la taaban karo ka soo hooyey la dagaalanka argagixisada Shabaab ee ka dukaameysta diinta Islaamka.
Taliyayaal Caasimada Dalka ka sifeeyey argagixisada. Taliyayaal dhul badan oo Shabaabku ka talin jireen ka xoreeyey. Taliyayaal ciidamada soomaaliyeed tayadooda iyo tiradoodaba kor u qaaday. Laba General oo geesiyaal ah oo markaan arko isoo xasuusin jirey (AUN) Daljirweyne General Daud Cabdule Xirsi oo magic wanaagsan ku dhex lahaa ciidamada Soomaaliya.
Waxaan baadhitaan ku sameeyey wax qabadka iyo taariikhda ciidan ee labada General ee loo magacaabey xilalka labada ciidan, General Indhaqarsho iyo General Saacid. Waxaan helay iney yihiin geesiyaal taariikh wadaninimo oo lagu xushmeeyo ku dhex leh Ciidamada ay kala hoggaaminayaan.
Waa Geesiyaal Billado ku mutaysytay diffaaca dalka hooyo oon la dafiri kareynin. Waa geesiyaal karti iyo aqoon dheerba u leh xilalka loo magacaabey.
Waxaa hadaba isweydiin mudan, sababta intii uu General Indhoqarsho la wareegay hoggaanka Militariga ay ciidanka soomaaliyeed iyo Argagixisada Shabaab gacan saarka u yeesheen. Sababta geesigii difaaca dadka iyo dalka billadaha ku qaatay uu waaliduulka ugu qaaday Dowlad gobaleedka Jubbaland ee xilku ka saarraa difaaceeda.
Ciidanka Dowladda oo qirtay in ay gacan saar la leeyihiin shabaab.
http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2585
Waa taliskii Gaashaandhigga oo isdab siyaasadeed ka danbeeyyo. Illaa iyo hadda jawaabta loo hayyaa waxay tahay, in Hoggaamiye Guurguurte uu waqtigiisii, waqtigii DDD iyo kii Taliska ciidankaba ku lumiyey carqaladeynta iyo burburinta Dowlad Goboleedka ka hana qaaday gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland State.
Si uu hadafkaa u gaadho waxay ku kaliftey in Dowladiisu gacan saar la yeelato lana shaqayso, hub iyo dhaqaaleba la wadaagto Argagixisada Shabaab. Waxaa iyana laga qaaday xayyiraadii hubka . Wuxuu aad ugu mashquulay inuu aduunyada meelo badan oo ka mid ah ka soo dukaameysto si uu u hubeeyo ciidan dowladeed, maleyshiyaad iyo Shabaab isku jira oo mar labaad ku Waaliduula Jubbaland.
Hoggaamiyaha DDD waxaa xaqiiqo ah, intuu ku mashquulsanaa carqaladeynta Jubbaland uu ammaankii dalku, gaar ahaan Caasimaddu faraha ka baxay. Waxaa fursad wanaagsan helay ururkii Shabaab oo gaadhay in ay maalin walba qaraxyo ka geystaan Caasimadda, Shacabkana ku laayaan.
Waxaa u suurta gashay in ay meelo badan isku uruursadaan ciidamana ka qortaan meel walba iyagoo xataa tababaraya wiilasha d’adoodu tahay 5 jirka. Halkan akhriso / ka adaawwo :
Carruur yar-yar oo ay Shabaab tababarayaan
http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=3256
Isku soo wada duuboo Cabdi Xaajow, waxaan arkayyaa: Dowlad aan madax iyo minjo kala lahayn. Dowlad aan mid-mid dhaamaa ba jirin. Dowlad wada bissad ah. Dadweynaheedoo wada jiir ah. Waxay dilaan oy afka u dhigtaan, Waxay dhacaan, Waxay xidhaan iyo waxay kufsadaan.
Ismaaciil Geelloo isku sii wada dirayya. Waa arin shacabka soomaaliyeed ka daadagi kari la’ in Caloolweyne halkuu Kurayda Dowladda Dugsiyada Dhexe, uga caqli celin lahaa, dowga toosan ku hagi lahaa uu dab iyo dabaabado beerta xorriyadda ugu dhex qaybiyo.
Soo macnaheedu ma aha ka dukaansi xasiloonidarrada Soomaaliya. Soo ma aha ka baxa beerta xorriyadda oo sidiinii ordayoo is raamsada. Waxaan arkayyaa Dowlad aan danayneyn kay daryeeli lahayd. Dowlad damaceedu Doolar uun yahay. Dowlad dalka iyo dadkaba dan ay ka leedahay jirin. kii dadaalaba daanka jabineysa oo xilka ka xayuubineysa.
Dowlad dilaalkuun rabta iyo kay ku danaysaneyso. Dowlad dakadaha uun dooni iyo garoon beeso laga dhuro. Dowlad wada dirawal ah iyo dillaalo waaweyn. Dowlad aan macna kaleba lahayn gurubsi lacageed mooyee. Dowlad dayyac tir u baahan oo dab madaxa ka rabta.
Diyaar noqo haatan cirrow waan ku dirayaaye. Adigaa dareemay dabacsanaan dawladnimo eh. Adigaa ka dhiidhiyey darxumada taala dalkaaga eh. Adigaa diyyaar u ah difaaca dumarka lagu daneysanayaaye. Adigaan dooneynin in laga wada dukaameysto dhammaantoode.
Adigaa maamulka ku fogaadey iyo mareynta guude. Adigaa geesiya oon baqine. Caasimaddii Xamar, dadka tii u dhaxaysay orodoo ka dag. Caqli baa kaa buuxoo waan ogsoonahay. Lagaa maarmi maayee, camal xumada yarna yaan lagaa garan. Hoggamiyaha Dowladda Dugsiyada Dhexe waxaad tidhaahdaa:
Jaalayaal qurbo joogaan tusmo kaaga sidaa dheh. Ku jikkaari meynee, Jubbaland ku soo dhawow dheh.
Dulmina kaa yeeli meynee daacadnimo la kaalay dheh. Dani ma inoogu wada jirtaa oo ma is dugsannaa dheh.
Jaajuus nimaan ahayn Xamar kula joogimaayo dheh. Hoggamiyaha Dowlada Dugsiga dhexe jooji xumahaad wadddo dheh. Talada dalka ciidan iyo cudud kumaad imaan dheh. Qaramada midoobaad kaga qaylisiisey, oo waaba la isku haystaa wixii Hoggaamiyaha kaa dhigay dheh.
Ismaaciil Geele hiilwalaal kama ahee, hollinta Jubbaland, Jabouti ha deyso weerarada dhankeeda dheh. weedhaha colaadda iyo waaliduulka labadaba daaya dheh. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo, horaa loo waayey dheh. Ha lagaa helo adiguna waayimeyside dheh.
Jicsinkii horaad wada laacdeen, jawaannadii buuxi jirey dheh. Haddana Dakadda iyo Groonkaad u soo miliqsanaysaan dheh. Jawaabtii Maanweyne Xildhibaan Xiddig hadaad ku joogi lahaydeen,
Jugtani may dhacdeen, jabkan iyo halaagu dheh.
Is jii-jiidku ma fiicna muranka iyo jujuubku dheh. Jahawareerka dhaaf, dastuurka ku joog, docodoceyntana ka dhaafa dheh. Haddad jamato xaqiiqdana, Juquraafigaa lagu noqdaa, jabtarro horoo jiray dheh.
Kuwa aad jideyni jeex kamay le’gee, aqoonso tani waa Jubbaland state dheh. Jaahiisu nuuryow Madoobe iyo Jeneraal Fartaag baa hoggaminaya dheh. Annagaa dabajoognoo kalsooni bey naga haystaan dheh. Dood iyo dagaal, colaad iyo nabad, wada xaajood iyo dib u heshiis intaba diyaar bey kuula yihiin dheh. Jubbaland ha jabin, ha dhicin, jiroo joog oo jiilkaa la dheel dheh. Annagana aamiinta ducada iyo alla bariga naga hooyoo,
Dowladdaay Dalka, Dadka & Diinta Dukaameysiga ka daaya dheh
Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com