Ururka VOSOMWO oo Hargeysa ku qabtay dood-cilmiyeed lagu dersayo caqabadaha doorashadii Deegaanka Somaliland kala kulmay Murashaxiintii bulshada Lahayb-sooco
Hargeysa 19, August 2013 (SDN)- Ururka VOSOMWO oo ka mida kuwa samofalka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay dood-cilmiyeed lagu dersayo caqabadaha doorashadii Deegaanka ee November 29 2012 dalka ka dhacday kala kulmay murashaxiintii bulshada Lahayb-sooco.
Kulanka oo lagu qabtay hotelka Safaari ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Shukri Xariir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mr. Faysal Cali Sheekh, madax-dhaqameed ka mida kuwa bulshada Lahayb-sooco, xubno metelayay qaybaha kala duwan ee bulshadaas iyo wakiilo ka socday ururada rayidka ah ee dalka qaarkood.
Ugu horayn guddoomiyaha ururka VOSOMWO (Voices of Somaliland Minority Women Organization) marwo Nimco Iid Salaan oo hadal ka jeedisay munaasibadaas, waxay ka warbixisay ujeedooyinka ay hay’ad ahaan u qabteen.
Guddoomiyuhu waxay sheegtay in ujeedadu tahay sidii loo dersi lahaa caqabadihii doorashada kala kulmay 27 murashax oo bulshada Lahayb-sooco [laga tirada badan yahay] uga qaybgalay tartankii doorashadii Deegaanada Somaliland ee sannadkii hore dalka ka qabsoontay, kuwaasoo aan midkoodna ku soo bixin tartankaas. Sidoo kale, waxay sheegtay in kulanka lagu falanqayn doono xuquuqaha madaniga ah ee bulshada Lahayb-sooco iyo sidii ay uga qaybgali lahaayeen siyaasadda dalka, maadaama siday sheegtay ay tobankii sanno ee lasoo dhaafay ka maqnaayeen goleyaasha lagu go’aamiyo talada dalka. “Ujeedada Kulankaani waa Siddii aynu u darasadeyn lahayn caqabadihii ka horyimid Musharixiintii ka soo jeeday beelaha laga tirada badan yahay ee iska soo sharaxay doorashooyinkii golayaasha deeganka ee dalka ka qabsoontay iyo casharada laga baran karo, si looga gaashaanto mustaqbalka dambe ee doorashooyinka soo socda. Kulankani waxa uu ka mid yahay kulamo xidhiidh ah oo aanu hore uga soo qabanay gobollada dalka, kuwaasoo loogu kuurgalayay sababihii ay u soo bixi waayen musharixinitii isa soo sharaxay, kuwaasoo ka sharaxnaa gobollada dalka oo dhan. Mudadii aanu wadnay ololahan ku saabsan wacyigalinta iyo ka qaybgalka siyaasada dalka, waxa noo qabsoomay waxyaabo badan, wayna jiraan waxyaabo weli dhimani,” ayay tidhi guddoomiyuhu. Waxayna u mahadcelisay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbad-sannadeedkiisii labada gole uu u jeediyay bishii January ee 2013 inuu goleyaasha Baarlamaanka dib ugu soo celiyay hindise la xidhiidha sidii kuraas kooto ah loogu samayn lahaa bulshada Lahayb-sooco iyo haweenka, iyadoo goleyaasha Baarlamaankana ugu baaqday inay ansixiyaan xeerkaas oo ay sannadkii hore diideen.
Marwo Nimco Iid Salaan waxay u mahadcelisay hay’adda NED oo ururka VOSOMWO ka taageertay dhinaca dhaqaalaha ee barnaamijyada wacyigelinta iyo ololaha ay wadaan urur ahaan.
Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada marwo Shukri Xariir oo iyana hadal ka jeedisay kulankaas, waxay tilmaantay inay ku faraxsan tahay dood-cilmiyeedyada noocan ah, si bulshadu u qiimayso duruufaha soo maray, uguna diyaargarawdo siday uga gudbi lahayd.
Sidoo kale, waxay u mahadcelisay ururka VOSOMWO iyo dedaalada uu wado oo ay ku amaantay, waxayna tilmaantay in xukuumaddu u heellan tahay sidii ay wax ula qaban lahayd bulshada laga tirada badan yahay iyo sidii ay talada dalka uga qaybgali lahaayeen.
Agaasimaha Guud ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mr. Faysal Cali Sheekh iyo Yuusuf Kirix Cawad oo ka tirsanaa golihii hore ee Deegaanka oo iyana kulankaas ka hadlay, waxay ku dheeraadeen duruufaha dhinacyada kala duwan ee nolosha ee ku gedaaman bulshada Lahayb-sooco. Sidoo kale, waxay soo dhaweeyeen dedaalada ururka VOSOMWO iyo sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasoo ay sheegeen inuu wax badan la qabtay bulshada laga tirada badan yahay ee Somaliland, isla markaana uu shaqsi ahaan iyo xisbi ahaanba shan dhalinyaro ah oo beeshaas ka soo jeeda ka bixiyay lacagta Jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo hadda waxbarashadoodii dhamaystay, kana mida xubnaha hadda shaqeeya ee bulshada Lahayb-sooco ka soo jeeda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu sidoo kale mahadnaq u diray Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo uu xusay in muddadii uu xilka hayay uu wax badan la qabtay bulshada Lahayb-sooco ee ku dhaqan Hargeysa, gaar ahaan dhinaca shaqo-siinta.
Suldaan Naasir Ismaaciil iyo Boqor Axmed oo ka mida Madax-dhaqameedka bulshada laga tirada badan yahay oo iyana halkaas ka hadlay, waxay si faahfaahsan uga warameen duruufaha deriska la ah bulshadooda iyo caqabadihii kala duwanaa ee la kulmay murashaxiintii uga qaybgalay doorashadii Baarlamaanka 2005 iyo tii Deegaanada ee 2012, iyadoo dhibaatooyinka haystaana ay sababeen in aanay labadaas doorasho ku soo bixin qof keliya oo ka soo jeeda beelahooda.
Ugu dambayn, guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulankaas ka hadlay, waxa uu amaanay ururka VOSOMWO iyo waxqabadkiisa bulshada nugulka ah ee Lahayb-sooco, wuxuuna balanqaaday inuu intii awoodiisa ah sii wadi doono sidii uu wax ula qaban lahaa bulshadaas. Guddoomiyuhu wuxuu ku taliyay in kootada aan lagu koobin siyaasadda iyo doorashada oo keliya, balse bulshadani u baahan tahay siyaasad cad oo dawladdu wax kaga bedesho noloshooda iyo kooto la jaanqaada dhinac kasta oo nololeed, sida shaqo-siinta, fursadaha waxbarashada iyo wax kasta oo la xidhiidha nolosha bulshadaas.
Qurbejoog.com, Hargeysa