|

“Hala dhiso guryihii dowladda”Maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho 19.Aug 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta u soo jeediyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dhisto guryaha dowladda ee laga saaray dadkii deggenaa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in wasaaradaha laga doonayo inay dhistaan xarumahooda oo ay ku shaqeeyaan, maadaama laga saaray dad danyar ah oo deggenaa 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Tarsan ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda oo heysa lacagta dowladda xarunteeda ay burbursan tahay, isla markaana ay ku shaqeyso dhismo kale oo kiro ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado.

Guddoomiyaha wuxuu sidoo kale ku taliyay in shaqooyinka iyo mashaariicd la hirgelinayo kaalin muuqata laga siiyo haweenka oo uu tilmaamay in ay u taagan yihiin xaqiijinta horumarrada kala duwan ee laga hirgalinayo dalka.

Tarsan ayaa hadalka ka sheegay xaflad xafiisyo loogu furayay maamulka degmada Shengaani ee gobolka Banaadir.

Geesta kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka codsaday shacabka Muqdisho inuu kala shaqeeyo sugidda ammaanka iyo xasilloonida caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Maxamed Xasan ayaa sheegay in qaraxyada iyo falalka amni-darrida laga soo abaabulo guryo ku yaalla degmooyinka gobolka, sidaa darteed shacabka laga doonayo inay ka warbixiyaan dadka qal-qalka galinaya amniga.

Warsame waxuu tilmaamay in ciidamada oo kaliya aanay sugi karin amniga, balse lagu hanan karo iskaashi buuxa oo dhex mara shacabka iyo ciidamadanka, taasoo sidoo kale gacan ka gaysan karta horumarka dalka.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta maamullada iyo degmooyinka, si loo xaqiijiyo in qof walba uu ka soo baxo masuuliyadda loo dhiibay.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed