Wefti uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Maxmaed Guuleed oo Goor dhawayd Hargaysa soo Gaadhay
Hargaysa 19.Aug 2013 (SDN)-Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Maxmaed Guuleed Ayaa Lagu soo Dhaweeyay Magaalad Hargeisa
Waftigan ayaa waxa Meel 25Km kaga Hortagay Wafti Balaadhan Oo Iskugu Jira Wasiior Madaxdhaqameed taliyaaysah Ciidama iyo Dadwayne Aad U tiro Badna
Ugu Horeyn waxa Halkaa Ka Hadlay Suldaan Rashiid Maxamed Ducaale oo Ka mid ah Salaadiinta Gobolka Sanaag Isagoo Ku soo Dhaweeyay Isagoo Sheegay Inay aad Ugu Faraxsanyihiin Inay Soo Dhawayeen
Waxa Kale Oo Uu Tilmaamay Inay beesha Degta Koonfurta Gobolka Sanaag Inaanay Cid Ka Maqnay Waxanu Sheegay Inay Yihiin Dad Jecel Dalka Oo aan Ka Maqnayn,waxakale oo uu sheegay inay ku soo dhawaynayaa caasimada Somaliland Ee Hargeisa
Halkaasi Waxa Kale oo Halkaa Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Isagoo Tilmaamay Inay Aad Ugu Faraxsanyihiin Inay Soo Dhaweeyaan Wasiirka Madaxtooyada JSl Waxa uu Sheegay Inay Hore Isku Soo Arkeen Waxanu Tilmaamay Inay Yihiin dadkeenii oo ISku afgartay Inay Nadabada Qaataan Islamarkaasina ay Ka Qayb qaadanayaan Horumarka Dalkooda Ka Jira .
Wasiirka Madaxtootada JSL Md Xirsi Uu Ku Timaamay Beeshan Degta Koonfurta Gobolka Sanaag Inay tahay Ta Ugu Balaadhan Beelahaasi isla Markaana Hore ay U soo Xareeyeen Ciidamo aad U tiro badan oo ahay Kii aanu ku soo dhawaynay Magaalada FiqiFuliye Isla Markaan Ahayd Kuwii Ugu Quwada Badnayd Ee Lagu soo Biiriyo Ciidanka Qaranka Jsl
Waxa Kale Oo Halkaa Ka Hadlay Wasiirka wasaarada Biyaha JSl Isoo Sheegay Inuu aad Ugu Faraxsanyahay Inay Beeshiisii uu manta Ku soo dhawaynayo Magaalada Hargeisa Waxanu tilmaamay inay Kala qayb qaadanayaa Horumarka ka jira Dalka JSl waxanu tilmaamay Inaanay manta Jirin Cid Mucaarid ku ah Qaranimada JSl Oo Ku Hadhay Koonfurta Gobolka Sanaag
Waxa Kale Oo Halkaa Ka Hadlay Boqor Cismaan Aw Maxamuud BuurMadaw oo Qayb Xoogleh Ka Qaatay Soo dhawaynta Iyo in ay Maanta Magaalada Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyo Magaalada Hargeisa
Ugu Dambayntii waxa Halkaa Ka Hadlay Garaadka Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo Isagu Hogaaminayay Waftiga balaadhan Ee Iskugu Jira Boqorada Saladiinta Iyo madaxdhaqameedka Koonfurta Gobolka Sanaag waxanu ugu Mahadceliyay Sida Balaadhan Ee Loo Soo Dhaweeyay Waxanu sheegay inay qaranimada JSl Tahay Muqadas kana shaqaynayaan Horumarka Jsl Anagoo Horena u soo Xaraynay Ciidan aad u tirabadan.
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com