|

“Kiiskii Nalagu soo Weeraray ee dhaawaca Na loogu Gaystay Waa Sidiisii,eedana waxaa iska Leh Taliyaha Ciidanka” Maareeyaha Wargayska Hubaal {DHAGAYSO}

Hargaysa 19.Aug 2013 (SDN)- Masuuliyiinta Wargeyska Madaxa bannaan ee Hubaal ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo digreetada uu soo saaray uu Caafiska ugu fidiyay ayaa  sheegay innuu Kiiskii  lagu soo weeraray ee dhaawaca loogu geystay maareeyuhu uu wali halkiisii yaallo  oo aanay ka wada hadlin madaxweynaha, iyagooo taliyaha ciidankana ku eedeeyey inuu kiiskaas ku taagan yahay oo uu in caddaalada la horgeeyo eedaysanaha la hayo, islamrkaan la soo qabto midka maqan isagu diidan yahay.

Hadalkan ayuu Maareeyaha Wargayska Hubaal ka sheegay mar uu Maanta Warbaahinta kala hadlayay Cafiska uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay isla markaana uu Xayiraadiii kaga dul qaaday Wargayskaas.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysto Codka Mas’uuliyiinta Hubaal
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/hogaankaHUBAAL(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed