|

Golihii Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo wax ka baddel ku sameeyey Magacoodii ay Xukuumaddu saska ka qaadday

xasankaHargeysa:19-Aug-2013-(SDN)-Golaha Madax bannaan ee Hore ula Baxay Golaha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa si rasmi ah manta ugu dhawaaqay inay wax ka beddel ku sameeyeen magacooda oo ay sheegeen inay xukuumaddu shaki badan iyo baqdin ka muujisay.

Golahan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay  maanta laga bilaabo doorbideen inay magaca “Gole” dhinac kale uga wareegeen, maadaama ay xukuumaddu ka dhigtay inaan magacan cid aan Dastuuri ahayni  la bixi Karin.

Mujaahid Xasan  Ciise Jaamac oo ka mid rukumada miisaanka leh ee Golahan, ayaa isagu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay la baxeen,  Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Mujaahidka xasan oo arrintaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “mar haddii ay xukuumaddii Wada-tashigii ka tagtay oo toosintii ka tagtay oo ay Gole oo kaliya ku dhegtay oo wixii mudnaanta lahaa aan la siinin mudnaantoodii oo ay dadkii ku jaahwareerisay oo ay wakhti badan ku lumisay, waxanu Go’aansanay inaanu Eraygii Golaha Meesha ka saarno si aanu u diidno wax ay ku marmarsoodaan waxanu u bixinnay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.”

Sidoo kale waxa uu mujaahid Xasan Ciise Sheegay inay Beddelkaas magacu ahayd shuruudda kaliya ee ay ku xidheen Sallaadiinta Ergada ahayd ee ay muddada wada-hadlayeen, isagoo intaas raaciyey inaanu filayinin in shuruud dambe lagu xidho maadaama ay ka tanaasuleen wixii ugu weynaa oo ahaa Magacoodii.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madax kale oo miisaan ku leh qaranka iyo Madashan wada-tashigaba, waxana ay ku dheeraadeen tallaabooyin qaldan oo ay xukuumaddani qaaday, kuwaas oo ay ka tilmaameen siyaasadda arrimaha Dibadda oo ay sheegeen in la marin habaabiyey oo laga leexiyey meeshii saxda ahayd.

 

Beddelka Magaca Gole oo sida la sheegay inay xukuumaddu codsatay, ayaan la garanaynin waxa uu ka beddelayo baqdintii xukuumaddu ka qabtay ragga ku midoobay Madashan, waxase la filayaa inay kala fogaanshihii iyo colaaddii markii horeba taagnayd sii xoogaysato oo aanay meesha ka bixin.

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed