Wadahadaladii u dhexeeyay Mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti oo Hakad la geliyay mudo Todobaad ah
Jabuuti Aug 19,2013(SDN)-Wadahadaladii dhawaanta u furmay xukuumada Jabuuti iyo dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa hakad la geliyay mudo Todobaad ah.
Wadahadalada oo weli aan ka gudbin kulamo looga wadahadlayo muhiimada is aragu u leeyahay xal waara ayaan weli cadeyn dhabaha uu mari doono.
Mucaaridka ayaa shegay in jewiga wadahadaladu ay wanaagsan yihiin rejo wanaagsana ay ka qabaan in natiijooyin lagu diirsado in ay ka soo bixi doonaan hadii alle idmo.
Halka ay Xukuumada qudheedu weji san ku soo dhaweysay aqbalka wadahadalada ee mucaaridka iyo shacabka Jabuutiba.
Waxse arrimahaa barbar socday tuhuno dhinacyo badan ka imanayay oo ku saleysan in xukuumadu ku hawlan tahay uun sidii ay mucaaridka ugu daalin laheyd wadahadalo aaney wax natiijo ahi ka soo bixin aakhurka.
Iyo in Xukuumadu ay dooneyso in ay mucaaridka isu baheysaytay ay kala furfurto si awoodooda wadareed loo wiiqo.
Dhanka Mucaaridka oo iyagu diidmada Xukuumada uun ayaa haatan bilaabay isweydiinta waxa laga filan karayo wadahadalada.
Si kastaba ha ahaatee waxa labada dhanba ay haatan heystaan fursada ay maalmo ariimahan uga soo fikiraan.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com