Taliyaha Ciidamada Masar oo sheegay in Islamiyiinta Dawlada laga qeybgeliyo
Qahira Aug 19,2013(SDN)-Taliyaha Ciidamada Masar oo markii u horeysay saxaafada la hadlay intii ka danbeeysay goaankii dawlada ee in taageereyaasha Ikhwaanka laga saaro goobaha ay fadhiisimada ka sameysteen ayaa muujiyay debac.
Gen Cabdilcasiis el-Sisi ayaa sheegay in ay farogelinta u sameeyeen ka dib kolkii madaxweyne Morsi uu talada dalka ku maroorsaday isbedelkii siyaasadeed ee dalka uu kula wareegay.
“Aamusnaan kuma daawan kareyno burburka dalka loo geysanayo iyada oo dadkana la argegax gelinayo,aniga oo aan cidna u goodiyeen hadana hadii la doonayo in dalka iyo dadka la burburiyo maya ayaan leeyahay”ayuu yiri El-Sissi.
Sidoo kale madaxa ciidamada qalabka sida ee Masar ayaa khudbadan uu ka jeediyay warbaahinta dawlada waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in kooxaha Islamiyiinta laga qeybgeliyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Halakan uu jeediyay Generalka ayaa u muuqda mid loogu jawaabayay culays maalmihii ugu danbeeyay ay saareen dalalka reer Galbeedka oo doonaya in xal waara laga gaaro qalalaasaha Masar.
Ciidamada Masar ayaa qorsheeyay in sanadka ina haya la qabto doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaanka.
Ciidamadu waxa kale oo ay qorsheyeen in Dastuurka dalka Masar in wax ka bedel lagu sameeyo doorashooyinka hortood.
Si kastaba ha ahaatee intii rabshadahan u danbeeyay ay Masar ka socdeen waxa geeriyooday in ka badan 900 oo ruux halka kumanaana ay dhaawac yihiin.
SDN-Qahira
contact@somalidasporanews.com