|

Xisbiga UCID oo Canbaareyn dusha uga Tuuray Xukuumada Somaliland

Hargeysa Aug 19,20139SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa Xukuumada Somaliland ku canbaareeyay xadhig ay kula kacday Hooyooyinka ururka Sooyaal iyo Suxuufi Cabdiraxmaan C/lahi Cusmaan.

Qoraalka xisbiga UCID ayaa sidan u qoraa:Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 18/08/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey HOOYOOYIN Si Salmiya Cabasho ula hortagey Xarunta Madaxtooyada

Hooyooyinkaas oo ahaa hooyooyinkii ay ka tageen Mujaahidiintii Naftooda u waaayey Wadankan,iyaga oo doonayey iney Cabashadooda u gudbiyaan madaxweynaha Jamuriyada S/land oo ahaa Hormoodkii Halgankii ragoodu ku Nafwaayeen

Hooyooyinkaas oo Tirsanayey in ay xukuumadu ka gaabisey DARYEELIDII Caruurta ay ka tageen iyo in aan lasiin Xuquuqdii,Milgihii iyo Ixtiraamkii Ragoodii dhintey dalkan ku lahaayeen

Hooyooyinkaas oo ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Horteeda ayaa Ciidamada Boolisku Xabsiga u Taxaabeen iyaga iyo Wariye Goobtaa ku sugnaa oo gudanayey waajibaadkiisii shaqo Maalmeed

Magaciisana layidhaahdo C/RAXMAAN C/LAAHI CISMAAN (DHAADHEERE) oo ka hawlgala shabakada wararka ee (RAMAASNEWS)

Hadaba waxaanu Cod dheer ku Canbaareyneynaa Xadhiga Xaqdarada iyo Cabudhinta ah isla markaana Lidi ku ah Xoriyatul Qawlka Qarankan ee lagula kacey HOOYOOYINKAAS IYO WARIYE C/raxmaan C/laahi Cismaan

Sidaa daraadeed waxaanu Xukuumada Xasuusineynaa in markaad Ololaha ku jirteen Balan Qaadyadiinii ay ka mid aheyd in aad Daryeeleysaan Agoontii Mujaahidiintu Ka Tagtey ama (ka dhinteen)

Hadaba waxaa ayaan daro ah in aad abaalkoodii ka dhigtaan XADHIG

iska daa Wax Qabad aad u qabataane isla markaana waxaad Xasuusiseen Geeridii Rogooda, oo ay Maanta Ogaadeen iney Cidla ka Taagan yihiin Xukuumadooda ay isku Haleynayeen

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Hooyooyinkaas iyo Wariyaha

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid2222

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi

________________________

ALaa Mahad Leh

Comments are closed