|

Shebekedaha tahriibta ee daadsan Caasimada Hargeysa Ilaa iyo Yurubta Bari oo xukuumadii kufashilantey

Tahriibata oo ah aafo qaran oo cusub oo dhalinyaro badan oo loo hanweynaa iyo wayeelba ay naftoodii ku waayeen S/land labadii sanadood ee ugu danbeysey ayaa hada isu bedeshey mashruucyo dadban iyo ganacsi xoogan oo xidhan oo dad badani ay nolol maal-moodkooda ku dabaraan.

Markii loo kuur-galey Caasimada Hargeysa waxaa tahriibtu si toos ah u-saameysey boqolaal qoys oo badan koodu ay sugan yihiin casimada Hargeysa. Qiyaas ahaan waxaa la isku raacey in 100 kii aqalba ilaa 6 aqal oo ka mid ahi  guud ahaan Somaliland ay taalo murugo, naxdin, werwer  iyo baroor joogto ah oo ay sababtey tahriibtu oo hada noqotey shebekado iyo dabino isku xidhan Somaliland ilaa wadamada jaarka ilaa iyo Yurubta bari  iyada oo la adeegsanaayo teknolojiga cusub oo ay ugu  horeeyso internetku.

iyo xirfado cusub oo afduub qarsoon ah oo inta billaash ama si-jaban qofka lala tago xuduud geeri-go’an la-toorjin gareeyo tahriibaha oo waalidkii ama Ehelkii tahriibahaa lacag madaxfurasho ah telefoon lagu weydiisto. hadaba waxaa ayaan daro noqotey in xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey sidii loo kala goyn-lahaa shabakadahaa isku xidhan ee ka bilaabma magaalada Wajaale oo ah duleedka caasimada  Hargeysa.

ilaa Etoobiya,Sudan, Libiya iyo East Yurub. Waxaa ayaan daro ah in gacmaha la is-dhaafsado magaalada Wajaale iyada lawada arkaayo oo lagu kala iibsado shabaabkii haldoorkii xoogii wadanka ee mustaqbalka sidii ahminka xoolaha loo kala iibsan jirey loo kala iibsado taas oo hada wax-garadku garowsadey in askarta xukuumadeena ee xuduudka magaaladaa Wajaale joogaana in ay siidhiga u-qabtaan oo ay iyana daabaxaada ka qaataan marka iibka dhalinyaradaas gacmaha la is daro ee la baayac-tamo lana heshiiyo.
Marka dib-loo raaco taariikhda Somaliland 20kii sanadood ee la soo dhaafey waxaa wax-garadka wadanka oo wadnaha farta ku hayaa ay isku raaceen in ay tahay markii ugu horeysey ee ummaddu wada aragtey iska daa dhalinyaro’e  Aabayaal iyo hooyooyin caruurtooda wataa in ay tahriibayaan oo ay goosteen in aaney ku sii nagaan Somaliland dhibaatadeeda isa soo tareysa ee maanta ka taagan oo ay ugu horeyso, cadaalad darada iyo musuq-maasuqa xadhkaha goostey ee hada Somaliland hadheeyey iyo qabyaalada duluca furatey ee aan dhegaha lagaaga duweyn,taas oo ay ka door-bideen dhalinyaro iyo waayeel badani in ay indhaha ka qarsadaan oo ay naftooda  ku biimeeyaan tahriib khatar ah oo naftooda halis u-keeni karta maa-daama laga talaabaayo saxareyaal lama degaan ah oo balaadhan oo kulul  iyo baddo waa-weyn oo khatar ah oo aan loo isticmaaleyn gaadiidkii loogu talo galey in ay khatarahaa jira ka bixi karaan iyo xuduudo aan sharci loo haysan oo habeenkii la dhexmaraayo oo khatarteeda iska leh taas oo had iyo jeerna u-keenta tahriibayaasha dhimasho naxdin badan oo ay tahriiba-yaashu badaha ku haligmaan ama saxaraha haraad ugu dhintaan amaba ay gacan kale oo cadow ah ay u-galaan maa-daama ay bilaa sharci iyo ju-juub ku socdaan oo doonayaan in ay ku galaan wadamo aaney aqoon u-laheyn, sharcina aaney u-haysan.

Aqoon darada iyo khataraha ay leedahay tahriibtu ee aaney tahriibayaal badani ogeyn ee loo baahan yahay in laga wacyi geliyo dhalinyarada waxa ka mid ah iyagoo ay ka horeyso welel iyo webahaar badan, riski iyo surbacaad iyo gaajo iyo haraad badan, Daal,iyo  dhalan-dhool iyo afduub lama huraan ah ,kufsi iyo xadhig aan loo aabo yeeleyn rag iyo dumar caruur iyo ciroole iyo qafaal iyo xadhig  joogto ah oo lagu soo furanaayo tahriibaha lacag aad u-badan oo aan ehelkii iyo waalidkiiba aaney bixin karin, waxaa inayana dhacda badanaa in tahriibuhu badaha iyo saxaraha uu ku halingmo maadaama la isticmaalo gaadiid kooban oo aad loo buux-dhaafiyo oo ay dhawaan naftoodii ku waayeen tahriibayaal farabadani.

Waxaa dhawaan ay xukuumadu  Gudi u-saartey  arintan Laakiin nasiib daro  Gudidaasi wax wacyi gelin ah oo joogto ah ama istratiji balan qaran oo qeexan  ah oo la taaban karo oo ummada u-cuntama my sameyn. Taas oo keentey in dhalinyaradii oo ah mustaqbalkii madaxdii qaranka ee berito ay waayeen cid wadaniyiin ah oo ku caan-baxdey sife-dhameystiran oo wanaagsan  iyo cid ay ku-deydaan oo dabo-galaan (role Model) iyo cid wax-u-sheegta oo wacyi gelisa ama wax-u-qabata oo shaqo-u-abuurta (dawlad)

Waxaa dhamaan markii la-wareystey dhalinyarada S/land ee tirada badan ee soo kala dhameystey  Sideetan 80 ku-dhawaadka dugsi ee sare ee S/land  iyo 20-ku dhawaadka Jaamacadood ee wadanka ku yaala ayaa waxa ay  isku raaceen in aaney wax-qiime iyo qadarin ah aaney ku haysan xukuumada hada jirta iyo wadankaba waxaana ay dhamaan tirsanayaan in Xukuumadii dayacdey oo balan-qaadyadii Gurmadka Qaranka iyo shaqo abuurka ahaa ee ay u-balan qaadey ay kaga baxdey, waxaa kala oo ay cadeeyeen in aan wixii shaqo yar ee soo baxdaba yaa tahay lagu qoranaayo oo lagu qaybsado qabyaalad cadaan ah  iyo wax-isdaba-marin wax-kasta oo anfac ah oo wadanka ka soo baxa lagu qaybsado, taas oo guud ahaan  cadaaladii iyo karaamadii dawladnimo ay meesha ka bacdey oo aan aqoontii iyo cilmigii aan la qadarin oo dulmi badan laga galey.

dhalaankii dadaalka dheeraadka ah waxbarashadii sare ee wadanka ku soo dhameystey.in kasta oo xukuumada siilaanyo ay mala-awaashey oo dhoob-dhoobtey oo odorostey miisaaniyad afar 4 laab ah oo xaraan ah waxay ku fashilantey in ay abuurto ilo dhaqaale si loo kordhiyo dakhliga wadanka oo dhalinyarada S/land shaqooyin cusub loogu abuuro. ama loo horgeliyo Gurmadkii Qaranka ee ay iyadu afkeeda beenta bartey ay kaga dhawaajisey.
Hadii aan u-daadego hibaatooyinkaa taban ee ubaxii haldoorkii, dhalinyaradii ,aqoonyahanka aheyd ee reer  Somaliland ku habsadey waxay sababeen in maanta Somaliland shacab badan iyo hormoodkii dhalinyarada Somalilnad ay niyad jab,oo ay  murugo iyo quustii ugu danbeysey ay  iska taagaan xukuumada Siilaanyo taas oo keentey in ay wadanka ay ka tagaan oo tahriibaan halka uu qof walba itaal iyo nasiib uu dhigoba ka dib markii ay u cadaatey in awrka lagu kacsadey  markii codkoodii la xalaashadey ee kursiga la isku hubsadey ayaa wax-qabadkii iyo balanqaadyadii loo balan qaadey ay wada noqdeen madan afka baarkiisa ah, mikirifoono been ah oo lagu adimo  iyo mid runta ka fog oo been ah oo war-baahinta uun lala miciinsado oo laga sii daayo kolba boqoley iyo liis dheer oo wax-qabad been cakiran ah.

Guntii iyo Gebagebadii Qormadan: Malahayga  waa Yaabe madaxweyne Siilaanyo ma  wuxuu dawladnimada u-haystaa Daas nin leeyahay ! Madaxweyne shacabku wey-ku doorteen ee u-tudh oo soo celi milgihii iyo karaamadii dawladnimo.oo ka qabo kuwa findhicilka ah iyo kuwa daba-kanuuga ah ee maroorsadey awoodahaagii badankoodii kuwaas oo aan iyaga la dooran oo aan xeer iyo xaqtoona aan u-laheyn in ay ku taba-bartaan oo baa-biiyaan milgihii,haykalkii iyo habsami-u-socdkii hawlihii iyo hanaankii dawladnimo. Hadii kale waxaad filataa madaxweyne kala fogaansho adiga iyo shacabkii ku soo doortey dhex-yimaada taas oo sababi karta kacdoon baahsan oo wadanka ka dhaca iyo bur-bur qaran oo wadadiisii la qaado.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Comments are closed