Ururka Suxufiyiinta Solja oo ka hadlay Xayiraad ka qaadistii Wargayska Hubaal, Isla markaana Baaq u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargaysa 18.Aug 2013 (SDN) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa War Murtiyeed ay soo saareen Ugu Mahad Celiyay Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Xayiraadii kaga qaaday Wargayskii Madaxa banaanaa ee Hubaal isla markaana uu Cafiska ugu fidiyay Mas’uuliyiintiisa oo ay Maxkamada Gobolka Hargaysa ku riday Xukuno Xadhig iyo Ganaax isugu Jira inkastoo ay Racfaan ka qaateen.
Ururka Solja waxaa kale oo ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ka dalbadeen inuu Xoriyadiisa u soo Celiyo Weriye Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Ramaasnews oo ay Ciidamada Boolisku Saldhiga dhexe u taxaabeen kadib markii ay qabteen Maanta isagoo ku guda jira Shaqo Maalmeedka Saxafinimo isla markaana Sawiro ka qaaday dad u badan agoontii ururkii SNM oo ku Mudaharaadayay Xarunta Madaxtooyada.
Sidaana waxaa lagu sheegay War Murtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),kaas oo u dhignaa Sidan:-
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), go’aanka geesinimada leh ee isugu jiray Xayiraad-ka-qaadista Wargayska HUBAAL iyo Cafis uu u fidiyey Maareeyaha iyo Tifaftiraha isla Wargayskaa Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Iyo Xasan Cabdillaahi Xuseen (Xasan-Keefkeef). Wargayska Hubaal oo Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex (Hargeysa) xayiraad kusoo rogtay 11th June 2013, halka labada masuulna isla Maxkamada Gobolku ay 3 July, 2013 ku riday xukuno isugu jiray hal Sanno ilaa labada Sanno oo xadhig iyo ganaax lacageed oo dhan laba Milyan oo Shilinka Somaliland ah midkiiba (2,000,000).
Ururka SOLJA oo muddadii hawshani jirtay door muhiim ah ka qaatay sidii xal looga gaadhi lahaa Duruufaha Wargayska HUBAAL, waxa kaloo uu si gaar ah ugu mahad-naqayaa xubnaha Wasiirada ee hawsha wargeyska iyo xubno ka tirsan bahda Saxaafada iyo dhamaan inta kale u jeelan hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafada, waxaanu Ururka SOLJA u dirayaa Madaxweynaha in tallaabadani noqoto bog cusub oo Caafimaad qaba.
Geesta kale, Ururka SOLJA ugu baaqayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha kale ee amniga in Xorriyadiisa loo soo celiyo Weriye Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Ramaasnews, Suxufigaas oo abaaro 10-kii Subaxno ee Saaka (18th August, 2013) Ciidamada Boolisku Xabsiga u taxaabeen isagoo gudanayey hawl maalmeedkiisa Shaqo, kadib markii uu isku dayey inuu Sawiro ka qaato dad Cabasho tirsanayey oo debad-bax ka sameynayey Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale Masuuliyiin ka socday saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ah oo uu weheliyey Guddoomiyaha wargeyska xayiraada laga qaaday ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen wasiirrada warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mr. Cali Axmed Cali, kuwaaso madaxweynaha iyo dawladda Somaliland-ba raaligelin ka siiyey wararkii dhaawaca ku ahaa qaranimada Somaliland ee uu wargeyska Hubaal ka baahiyey safaarada Itoobiya, isla markaana waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu saamaxaad u fidiyo weriyeyaasha maxkamaddu xukuntay, xayiraadana laga qaado wargeyska Hubaal, arrintaasoo madaxweynuhuna aqbalay.
Waxa kale oo masuuliyiinta kulankaas ka hadashay ee saxaafadda ka socday sheegeen inay saxaafad ahaan ka xun yihiin wararkii sababay in wargeyska Hubaal la xayiro, isla markaana xukuno lagu rido weriyeyaasha wargeyskaas, kuwaasoo madaxweynaha ka hor caddeeyey inay damaanad qaadayaan in aannu wargeska Hubaal baahin doonin warar ka baxsan xeerarka iyo anshaxa saxaafadda Somaliland, isla markaana aanay dib u dhici doonin in warar meel-ka-dhac ah laga faafiyo dalalka jaarka ee xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhexeeyo Somaliland iyo wixii wax u dhimaya qaranida iyo masaaliixda guud ee Somaliland.
Waxa kale oo xubnahaasi madaxweynaha u sheegeen inay saxaafad ahaan diyaar u yihiin in dib-u-eegis iyo dib-u-habayn lagu sameeyo xeerka saxaafadda Somaliland, balse ay waajib tahay in saxaafaddu qayb libaax ka qaadato, tallo badana ku yeelato wax-ka-beddelka iyo dib-u-habaynta lagu samaynayo xeerka saxaafadda, kuwaasoo sidoo kale caddeeyey in bahda warbaahintu qayb ka tahay horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanno qaaday dalka Somaliland, iyagoo xusay in dawlad ahaan iyo saxaafad ahaanba ay waajib tahay in markasta la ilaaliyo danta guud iyo qaranimada Jamhuuruiyada Somaliland.
Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Warfaafinta Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo iyaguna madaxweynaha ka hor kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay bahda saxaafadda kala shaqeeyeen sidii xal looga gaadhi lahaa arrinta wargeyska Hubaal, kuwaasoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin sidii wadashaqayn fiicani u dhexmari lahayd saxaafadda iyo dawladda Somaliland, isla markaana saxaafadda loo madaxbannaaneeyo wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka saxaafadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ugu dambayntii hadal ka jeediyey kulanka uu la yeeshay guddida ergada ah ee ka socotay bahda saxaafadda Somaliland, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan iyo dawlad ahaanba diyaar u yihiin sidii loo xaq-dhawri lahaa madaxbannaanida iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, isla markaana aanay xukuumad ahaan dhibsanayn dhalliilaha toosinta ah ee saxaafaddu baahiso, balse waxa uu xusay in dawlad ahaan, saxaafada ahaan iyo dadweynahaba meel looga soo wada jeedsado ilaalinta masaaliixda iyo danta guud ee qaranida Somaliland, maadaama dalku leeyahay cadaw badan, isla markaana aannu wax icitiraaaf ah ka haysan beesha caalamka, isagoo xusay in aannu aqbali doonin wixii wax u qarinada Somaliland, waxaannu madaxweynuhu sheegay inuu aqbalay codsida ergayada saxaafadda ka socotay u gudbisay ee la xidhiidhay sidii saamaxaad loogu fidin lahaa weriyeyaasha xukunku ku dhacay ee wargeyska Hubaal iyo sidii xayiraada looga qaadi laha wargeyskaas.
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com