|

Wasiirka Caafimaadka oo Dhagax dhigay Qayb Cusub oo lagu Kordhinayo Mishiinka Kelyaha Sifeeya kuna dhawaaqay Ololaha Talaalka Dabaysha

Hargaysa 18.Aug 2013 (SDN)-Wasiirka wasaarada caafimaadka JSLand Mud, Saleebaan  Ciise Axmed, ayaa maanta dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo qaybta safaynta Kelyaha  ee isbitaalka  Guud , Xadhigana ka jaray dhismayaal cusub iyo dayac-tir lagu sameeyay qaybta daaweynta iyo Nafaqaynta Caruurta ee  Isbitaalka  Guud ee hargeysa.

Munaasibadda dhagax dhiga  oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Agaasimaha Isbitaalka Guud Dr,Axmed X.Cumar Askar iyo masuuliyiinta  wasaaradaasi qaarkood.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay  in wixii aynu qabsan karo  aynu qabsano inaga oo ku xisaabtamayna itaalkeena iyo awoodeenu habda inta ay gaadhsiisan tahay,isla markaana  aynaan cidna isku halaynin.Waxa kale oo uu wasiirku  sheegay in xukuumadda oo uu yoolkeedu yahay wax-qabad, intii ay jirtayna ay wax badan qabatay.

Wasuuka Caafimaadku Waxa kale oo uu isla maanta dhagax dhigay  dhisme lagu kordhinayo  Qaybta  Safaynta kelyaha ee isbitaalka Guud,waxaanuu wasiirku  halkaasi ka sheegay in wasaarad ahaan ay ku tala jiraan in ay  isbitaalka gaadhsiiyaan heerka  isbitaalada caalamka, isaga oo sheegay inuu rajaynayo inay taasi noqoto mid  suura gasho inta uu joogo  wasaarada.waxaanuu intaa raaciyey in qaybta safaynta kelyaha aynu kaga maaranay dibadihii loo tegi jiray.

wasiirka wasaarada caafimadka Mud,. Saleebaan Ciise Axmed,waxa sheegay inuu aad ugu faraxsan dhismahan Cusub ee lagu kordhiyey qaybta Caruurya,  waxaanuu xusay in caruurtu ay yihiin xubinta ugu muhiimsan Bulshada, sidaas darteedna ay waajib tahay in la ilaaliyo

Wasiirka ka hor waxa halkaa warbixin ku saabsan isbitaalka Guud iyo waxyaalihii  laga qabtay  dhinacyada adeega iyo dhismayaashaba  ka asoo jeediyey Agaasimaha isbitaalka Guud Dr,Axmed x.Cumar Askar. Waxaanuu sheegay in isbitaalka wax weyn laga qabtay,xagga adeegyada kala duwan. Waxanuu intaa raaciyey  in isbitaalka laga furiliyey mashaariic badan oo  kala duwan.

Dhanka kalena wasiirka wasaarada caafimaadku Waxa uu  maanta  ku dhawaaqay in qaybtii lixaad ee talaalka dabar goynta cudurka dabaysha uu dalka ka bilabmi doono labaatanka Bishan aynu ku jiro ee Augost.

Waxaanuu sidaasi ku shegay wasiirku shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa  ku qabtay,shirkaas oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka wasaarada shaqada iy armiaha Bulshada Maxamud Axmed Barre Garaad,wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur faahiye ,wasiiku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo saraakiil ka kala tirsan, Hay’adaha  WHO iyo UNiCEF.

Wasiirka wasaarda caafimaadku waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay  ka qayb qaataan Ololaha loogu jiro xakamaynta cudurka dabaysha, ubadkoodna ay geeyaan Goobaha talaalka.

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

Comments are closed