Dhuuso Mareeb: Dad lagu soo qabqabtay Hawlgalo ay Sameeyeen Ciidamada Amaanku
Muqdisho 18.Aug 2013 (SDN)- Maamulka degmada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal dad lagu soo qabqabtay oo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada amnigu ka sameeyeen magaaladaasi.
Howlgalkan oo 24-kii la soo dhaafay ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo qabqabtay Shan ruux oo looga shakiyay iney falal amnidaro ah ka wadaan degmada Dhuusamareeb, iyadoo qaarkoodna la rumeysanyahay iney xiriir la leeyihiin argagixisada Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb macalin C/raxmaan Cali Geedaqoroow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka degmada, isagoo intaa ku daray in lagu qabtay dad looga shakinsanyahay iney xiriir la leeyihiin Shabaab ayna qorsheeynayeen falal amnidarro ah oo ay ka geystaan magaalada, wuxuuna xusay in dadkaasi ay hadda ku socoto baaritaan.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa uga digay dadka ku nool degmada Dhuusamareeb iney guryo ka kireeyaan ama ay soo dhaweeyaan dadka aysan garaneysnin oo ku cusub magaalada iyo sidoo kale kuwa xiriirka la leh maleeshiyaadka Alshabaab.
Howlgalkan lagu qabtay dadkaasi ayaa imaanaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada amaanka degmada Dhuusamareeb ay wadeen howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada madaxda gobolka ee Dhuusamareeb.
Muqdisho SDN.