Kalfadhigii 22aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo furmay iyo Qodobada Ajandaha
Hargaysa 18.Aug 2013 (SDN)- Kalfadhigii 22-aad ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay xildhibaanada golahaasi,
Fadhigii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 22-aad oo ka koobnaan doona labo qaybood oo kala ah:
Warbixinta shir gudoonka, Gudida Joogtada ah iyo Gudiyada Golaha Wakiilada
Mashaariicda sharci ee hor yaal golaha oo ay ka mid yahiin:
Xeerka Booliska
Waxqabadka xeerka Qareenada
Xeerka maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo labada Gole.
Xeerka ka ganacsiga hawlaha Baanka
Xeerka shidaalka iyo macdanta
Xeerka horumarinta waddooyinka
Xeerka hay’adda dib u eegista shuruucda
Xeerka xabsiyada
Xeerka hay’adda HIV-AIDS
Xeerka Caasimadda
Xeerka doorashada Golaha wakiilada
Miisaniyadda 2014
Xeerka doorashada Golaha Guurtida
Waxaa kale oo soo raaca hawlaha ay ka mid yahiin:
U yeedhista mas’uuliyiinta Qaran
Ansixinta mas’uuliyiinta Qaran
Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida
Iyo waxii kale ee soo kordha.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com