|

Mucaaridka Jabuuti oo rejo wanaagsan ka muujiyay in Ooda laga rogayo maxaabiista Siyaasadeed ee Jabuuti

Jabuuti Aug 18,2013(SDN)-Mucaaridka dalka Jabuuti ayaa rejo sare ka muujiyay in xukuumada Jabuuti dhawaan ooda ka rogi doonto dhamaan shacabka u xirxiran siyaasada ee dalkaasi.

Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa taageereyaashooda gaarsiiyay fariin ay ku sheegeen in maalmaha soo socda xabsiyada dalka laga sii deyn doono wadaado maxkamadi ay sanad xarig ah ku riday.

Warkan ayaa soo baxaya iyada oo mucaaridka iyo xukuumada Jabuuti ay maalmahan isu hor fadhiyeen wadahadalo.

Dhinacyada wadahadalada ka qeybgelaya ayaa muujiyay niyad sami ku wejahan kulamadooda.

Si kastaba ha ahaatee mucaaridka Jabuuti ayaa mudaba ku hawlanaa sidii ay xukuumada dalkaasi culeys ugu saari lahaayeen isbedel dhab ah oo lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Waxaana markii u horeysay muuqata haatan in wadahadaladani fursad u noqon karaan rabitaanka mucaaridka.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed