|

Taliyihii Ciidamada Badda Somalia 0o La Sheegay Inuu Xilkii Iska Casilay

DHARCADMuqdisho:18-Aug-2013-(SDN)-Warar ka ag Dhaw Ciidamada Badda Soomaaliya, ayaa sheegaya  in Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), isbedel siyaasadeed oo xoogani uu ku yimid, kadib markii xilka ka qaadis lagu sameeyay taliyeyaal ciidan oo dhinacyo kala duwan leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka oo iminka aan la taaban la qorsheynayo in xilka laga qaado ama boosas kale loo bedelo.

sidoo kale waxa la sheegayaa in markii xilka laga dhigey taliyeyaasha qaarkood uu bilaabey Faarax Qarre, taliyaha ciidanka Badda galaangal siyaasad iyo kulamo uu u qabanayo odayaasha dhaqanka beeshiisa, si ay ugu qanciyaan madaxweynaha in xilkiisa loo sii daayo.  Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in madaxweynaha uu doonayo in xilka Taliyaha ciidamada Badda ee hadda jooga loo dhiibo rag khuburo ah oo hore xilkaasi u heyn jiray xilligii dowlada Siyaad Barre.

Tallaabooyinka uu madaxweynuhu qaaday, ayaa  ku dhalisay Faarax in uu xilka iska casilo, ka hor inta aan xilka qaadista lagu sameyn ama marka ugu dambeysa ee uu ku guul dareysto doonistiisa.

 

Taliye Faarax qarre oo in muddo ah soo ahaa Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya, ayaa haatan u muuqda nin sugi kari  la’ inta ay madaxtooyada ka soo baxayso warqadda xil-ka-qaadistiisa, waxana la sheegayaa inuu inuu  ku qancay inuu iskii xilka isaga dhiibo si uu sumcaddiisa u ilaashado.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed