Britain oo mar kale baareysa Geeridii Prinseses Diana iyo Dodi Al Fayet
London Aug 17,2013(SDN)-Waxa la shaaciyay in ciidamada Scotland Yar ayaa fureen baaritaan hor leh oo ay ku eegayaan Geeridii Princess Diana iyo Dodi Al Fayed 17 sanadood ka hor.
Baaritaanka ayaa ku soo beegmaya ka dib kolkii ay soo shaac baxday xog ku saabsan in geeridoodu aaney aaney ku dhicin si kam ah.
Sida uu faafiyay TVga skynews ee Britain geerida ayaa ka dhalatay toogasho uu geystay nin ka mid ahaa ciidamada Britain.
Baaritaan hore oo ay sameeyeen Scotland Yard 2006dii ayaa lagu shaaciyay in sababta geerida Diana iyo Dodi in ay ka dhalatay Shil Gaari oo uu sababay wadihii gaariga.
Xogtan cusub ayaa hadal heynteedu si weyn u faaqideysaa saxaafada reer Galbeedka.
Diana ayaa ay dad badani qabaan in ay u god gashay ka dib kolkii ay soo shaac baxday in ay dooneysay in ay guursato maal qabeenka Muslimka ah ee Dodi Al Fayed.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com