Al Shabaab oo Weerar Jac ku siiyay Saldhig Police oo Garisa Ku Yaal
Garisa Aug 17,2013(SDN)-Meeliishaadka kooxda Al Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen saldhig police oo ku yaal magaalada Garisa ayay ku laayeen tiro askar ah.
Weerarka ayaa waxa qaaday ilaa 40 ruux oo aad u hubeysan oo saldhiga ku laaayay afar ka mida ciidamnkii halkaa joogay,iyaga oo dhaawacay qaar kalena.
Kooxda Al Shabaab ee ciidamada Kiinya kula dagaalama guddaha Soomaaliya ayaa sheegtay weerarkan lagu qaaday Gaarisa.
Gudoomiyaha degmeda Garisa Rashid Khattor ayaa saxaafada u xaqiijiyay weerarka Shabaabku ku qaadeen saldhiga Policeka.
“Afar ka mida ciidamadayada ayaa weerarka lagu dilay,waxaana haatan meydkooda laga soo qaadayaa saldhiga,baaritaano horudhac ah oo aanu sameynayna waxa ay muujinayaan in weerarka ay qaadeen ciidamo Shabaabka ka tirsan oo xadka ka soo talaabay”ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Ma aha markii u horeysay ee Shababaku weerar nuucan oo kale ah ay jac ku siiyaan saldhigyo ciidan oo xadka ku dhaw Intii ka danbeysay kolkii ciidamada Kiinya ay galeen guddaha Soomaaliya.
SDN-Garisa
contact@somalidiasporanews.com