Agabar: shirkii Beesha Sacad Muuse oo Berri Furmaya, Xukuumadda oo Ciidan Xoog leh Dul dhigtay iyo Duruufaha ku Xeeran
Hargeysa:17-Aug-2013-(SDN)-Shirka Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa ee Sacad Muuse ayaa lagu wadaa inuu Berri oo Axad ah inuu ka furmo Deegaanka Agabar ee Gobolka Gabiley.
Xukuumadda ayaa shirkan il gaar ah ku eegaysa, waxana wararka Goobtaas ka imananayaa ay sheegayaan inay Goobta geysay ciidamo tiro badan gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da loo yaqaanno oo aan ilaa hadda la garanayn sababta goobtaas loo geeyey.
Wufuuddii shirkaas ka qaybgeli lahaa ayaa iyagu ku sii qulqulaya Deegaanka Agabar oo maalmahan diyaar-garow badani ka socday, waxana deegaankaas laga dareemayaa culays badan oo shirkani sababay, iyadoo xukuumadduna dareen gaar ah ka qabta shirkan.
Dadka shirka qaban qaabinaya ayaa la sheegayaa inay xukuumadda ka dalbadeen inay ciidankan tiradan badan ka dulqaaddo, maadaama goobtu amaan tahay oo aanay jirin sabab abuuri karta in ciidamo RRU ah la dalbado, xukuumadduna waxa la sheegay inay arrintaas ka dhego adaygtay iyadoo ku andacootay inay xaalad ammaan u joogaan goobta.
Sidoo kale shirkan oo in muddo ah soo jiitamayey ayaa qabashadiisa beeshu si weyn ugu kala jabtay, waxan jirtay dhawr goor oo uu mura iyo is-qabqabsi dartii dib ugu dhacay.
Xukuumadda ayaa la sheegayaa inay door weyn ka ciyaartay sidii shirkani u burburi lahaa, waxana ay taageere weyn u tahay Wasiir cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaga la aaminsan yahay inuu shirkan reerka dhexdiisa kaga raadsanayo taageero si uu meel iska saaro Guddoomiye Muuse oo haatan tartanka Madaxweyne-nimo ee xisbiga Kulmiye isku wada.
Dhinaca kale Guddoomiye Muuse oo isna maanka ku haya taageerada Xukuumaddu la garab taagan tahay ninka ay sida weyn isu hayaan ee haatan wasaaradda maaliyadda u haya xukuumadda Siilaanyo, ayaa lagu wadaa inuu Cudud ballaadhan ka dhex raadiyo Tolkii, maadaama uu yahay shakhsi in badan u soo samrayey sidii uu hogaanka dalka mar uun u qaban lahaa.
Sidoo kale waxa ay sheegayaan wararka madaxtooda ku dhawi inuu muuse ka Adkaysan waayey Jallaafooyinka iyo dabinada siyaasadeed ee Madaxtooyadu la daba socot, waxana uu Habeen dhaweyd madaxweynaha u sheegay inay xukuumaddiisu shirka gacmaha kala baxdo.
Haddaba waxa uu shirku soo jiitamaba haatan waxa la joogaa dhamaadkii, waxana la sheegayaa in kala qaybsanaan markii hore reerka ku kala dhex jirtey haatan la dhameeyey oo la isku raacay in shirka laga dhawro siyaasadda, kaliyana lagaga hadlo danaha reerka iyo idku xidhkooda.
Ilaa iyo hadda lama garan karo sida uu jawiga shirku noqon doono maadaama ay ku kulmayaan rag siyaasadda iyo dhaqankaba si weyn iskugu haya, waxase la hubaa oo kaliya inay beeshu xoogga saari doonto sidii xisbiga Kulmiye ay sanadkan ugu dhex yeelan lahayd Nin musharaxa madaxweyne u tartama, wayse adag tahay taasi oo Baarqabadu kuma yara Beesha.
Somalidisporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)