|

“Hawl Culus ayaa ina Hor taala oo aynu kaga bixi karno inagoo yar iyo Weyn Meel u Wada Jeedna iskana dhaafna Hadalka Marfishyada” Wasiirka A.Dibada {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay in dal ahaan ay ina Hor taalo Waajibaad Culus oo ku qotoma ka Midho dhalinta Himilada uu Qarankani ku Taamayo inuu Gaadho Mustaqbalka soo socda isla markaana ah Sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi uga Heli lahayd Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo Maanta ka hadlayay Xadhig ka Jaris loo sameeyay Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargaysa oo Mudo badan ay ka socotay Hawl lagu Casriyaynayo ayaa Talooyin kala duwan u soo Jeediyay Shacabka Somaliland iyo Siyaasiyiinta isagoo ka dalbaday in Meel la iska dhigo Hadalada Marfishyada isla markaana loo guntado in iyadoo la isku duuban yahay danta qaranka laga wada shaqeeyo.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BiixiMadaar(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed