|

Waddanka Turkiga oo Xidhiidhkii u Jaray Dowladda Militariga ah ee Masar

erdoganAnkara:17-Aug-2013-(SDN)-Safiirkii Dalka Turkiga u fadhiyey Dalka Masar ayaa saaka iskaga baxay halkaas xili uu Raysalwasaaraha Turkiga Teyyib erdogan uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin xasuuqii Ciidamada Masar geysteen.

 

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u cambaareeyey hawlagaladii dadka badan ku dhinteen ee maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Masar bilaabeen.

 

Waxaa sidoo kale jira dowlado kale oo hakad geliyey xidhiidhkii ay la lahaayeen dalka Masar, waxaa safiiradooda la baxay wadamada Denemark iyo Ecoudor.

 

Wadamada Midowga Yurub ayaa dhawaan ka shiri doona go’aankii ay ka qaadan lahaayeen xidhiidhka Midowga Yurub uu la leeyahay dalka Masar.

Lama garanayo meesha ay xaaladdu cagodhigan doonto, waxana haatan jira xaalada kacsan oo dhamaanba  wadankaas ka taagan.

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed