|

Injineer Rakibi jirey idaacadaha oo Maanta lagu dilay Muqdisho

BASTOLADMuqdisho:17-Aug-2013 (SDN)-Rag hubaysan ayaa maanta isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho ku toogatay Alle ha u naxariistee Injineer Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa farsamayaqaannada wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

 

Dilka injineerka waxaa fuliyay 2 nin oo dhallinyaro ah, oo ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo ka baxsaday goobya markii ay Toogashada geysteen.

 

Agaasimaha warbaahinta dowladda Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-Caddaala) ayaa dhacdada u xaqiijiyay warbaahinta, waxana uu sheegay inaan wali la haynin cid arrintaas lagu tuhmayo oo ay baxsadeen raggii dilka fulisay.

 

Injineer Shariif ayaa ka soo shaqeeyay radio Muqdisho, idaacaddii Soomaaliweyn, radio Afrikada Bari iyo Radio Banaadir, isagoo ahaa injineer sameyn jiray taawarrada idaacadaha.

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed