|

Punt land oo uu Ka Bilaabmay Talaalka Cudurka Dabaysha Wasiirka Caafimaadka {DHAGAYSO}

Garoowe 17.Aug 2013 (SDN)-Ka dib markii la shaaciyay inuu sii kordhayo kiisaska ku saabsan cudurka Dabaysha iyo tirada dadka laga helay oo sii kordhaya Somalia ayaa wasaarada caafimaadka Puntland ay ku dhawaaqday inay bilaabayso wareega 6-aad talaalka dabaysha.

Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdilaahi Warsame oo saxaafada maanta 17 Aug, 2013 kula hadlayay xafiiskisa magalada Garowe ayaa sheegay inay dadaal dheeri ah ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa cudurka Dabaysha, wuxuuna raacshay in laga talaali doono caruurta ka yar 10-sano.

Dr. Cali Cabdilaahi ayaa sheegay inay lama huraan tahay in caruurta Soomaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland laga bad baadiyo masiibooyinka uu xanbaarsan yahay cudurkaasi, wuxuna hoosta ka xariiqay in wareegaan guud ahaanba laga fulin doono deegaanada Puntland 19-la bishaan aanu ku gudu jirno.

Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay ka taliyaan caafimaadka caruurtooda oo ay wareegan ka tallaalaan cudurka, iyadoona la wada og yahay cudurkaasi inuusan la hayn wax daawo ah aan ka hortaga ahayn, waxana socota wacyi galin ay bahda caafimaadka Puntland wadaan si waalidka looga dhaadhiciyo anfaca tallaalka Dabaysha uu xanbaarsan yahay.

Cudurka Dabaysha oo Somalia mudo 7-sano ka maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay, wuxuna faro kulul ku hayaa qaar ka mid ah Gobalada Koonfurta Somaliya sida Muqdisho, Baydhabo iyo Baladwayne.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Hadalka Wasiirka Caafimaadka Punt land

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaCaafimaadka17.mp3″]

Garoowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed