|

Eng ka Tirsanaa Idaacada iyo Telefishanka Dawlada Somalia oo Muqdisho lagu dilay iyo dawlada oo ka hadashay

Muqdisho 17.Aug 2013 (SDN)- Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga hadashay dilkii maanta kooxda Alshabaab u geysteen farsamo yaqaan ka tirsana warbaahinta dawlada soomaaliya kaasi oo ay dilkiisa fuliyeen koox ku hubeysaneyd Bistolaado isla markaasna la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Cabdishakuur Cali Mire oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta dawladda federalaalka ah ee Soomaaliya oo saxafada maanta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan eheladdi iyo qarabaadii uu ka geeriiyooday Masuulkasi isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin wadani ah isla markaasna ka soo baxay shaqadiisa uu hayay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku daboolka ka qaaday in dawladda looga baahan yahay inay jawaab deg deg ah ka bixiso cidii ka dambeysay dilkii loo geystey Eng Axmed Shariif,waxan uu sheegay in dawladda looga fadhiyo inay qaado talaabo deg deg ah oo ay ku soo qabaneyso kooxihii dilkaasi fuliyey.

Dhinaca kale Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho oo Cabdiraxiim Ciise Cadow oo saxafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inaysan dilka Eng Axmed Shariif aysan u joogsan doonin shaqada warbaahinta Qaranka,waxaana uu sheegay inay sii laba laabi doonaan shaqadii uu hayay marxumkaasi.

Ugu dambeyntii hadalkan waxa uu imaanayaa xili saaka gudaha Magalaada Muqdisho gaar ahaan xaafada Shibis lagu toogtey Eng Axmed Shariif oo ahaa Masuul warbaahinta qaranka u qaabilsanaa dhinaca injineernimadda isla markaasna ahaan nin shaqadiisa ka adkaa ugana soo baxay sidii la rabay.

Geesta kale Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi oo howlo shaqo ku joogo dalka Kenya ayaa geeri naxdin leh ku tilmaamay dilkii allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif Xuseen oo saaka kooxo hubeysan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wasiir Ciilmooge ayaa uga tacsiyeyay geerida Axmed Shariif qoyskiisa iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta,isagoo sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha laf dhabarta u ahaa wasaarada.

“Cadawga Axmed oo kala dila qaran qaran dumis waana cadow soomaaliyeed,gacan ka xaq daran ayaa dishay,waxana dagaal nagula jiro dad soomaali diid ah oo nabad diid ah” ayuu yiri wasiirka Wasiirka ayaa marxuumka alle uga baryay in uu janadii ka waraabiyo qoyskii uu ka tagayna samir imaan ilaah ka siiyo.

Sidoo kale Agaasimaha warbaahinta qaranka C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaalada ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariisto walaalkeen Eng Axmed Shariif Xuseen oo saaka kooxo hubeeysan ay ku dileen degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

“Axmed Shariif waxa uu ahaa nin aad u aqoon badan oo ka mid ah dadka kooban ee wadanka laga heli karo oo aqoontoodu aadka u diyaarsantahay”ayuu yiri agaasime cadaala

Agaasimaha warbaahinta ayaa sheegay in Eng Axmed Shariif uu ahaa madaxa guud ee farsamada warbaahinta qaranka,isagoo sidoo kale caawin jiray warbaahinada kale ee ku yaala gudaha muqdisho iyo gobollada dalka,takhasuskiisuna uu ahaa rakibtaanka idaacadaha iyo fariisintooda,waxaa kale ee uu ahaa makaanig dhanka matoorada ah iyo dab yaqaan.

Agaasimaha intaasi ku daray in allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif uu ka mid ahaa shaqaalaha mudada dheer ka shaqeynayay radio muqdisho ka hor xiligii burburka iyo markii dib loo kiciyay idaacada intaba,isagoo sidoo kale horoy uga soo shaqeeyay una soo caawiyay inta badan idaacadaha ku yaala magaalada muqdisho iyo gobollada dalka.

Agaasimaha warbaahinta qaranka C/raxmaan yuusuf Shiikh Al-cadaala ayaa cambaareyay dilka allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif ugana tacsiyeyay geeridiisa qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Agaasime Cadaala ayaa sheegay in ay sii socon doonto howsha ay shaqaalaha wasarada warfaafintu  ummadda soomaaliyeed iyo qaranka islamarkaana aysan niyad jabin doonin falalka lagu doonayo in looga waceeyo howsha ay u hayaan ummadda soomaaliyeed.

 

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed