|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Gegida diyaaradaha ee Hargaysa oo Qabyo ah

Hargaysa 17.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib u furay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargaysa oo dib u casriyayn iyo balaadhin lagu sameeyey.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Madaarka caasimadda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyayaasha labada gole baarlamaan Md saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde, xubno ka tirsan golaha wasiirada, wakiilada dalalka shisheeyaha u jogga Somaliland, hawlwadeenada xafiisyada hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo marti sharaf kale.

Hadal uu halkaa ka jeediyey wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada ee JSL Md maxamuud Xaashi cabdi uu kaga xogwaramay marxaladihii ay soo martay hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta gegida dayuuradaha ee caasimadda Somaliland.

Md xaashi waxa uu sheegay in talaabadani qayb ka tahay horumarkii looga fadhiyey xukuumadda xiligan xafiiska joogta, dhinac kastana ay ka muuqato isbedelka laga sameeyey ee muuqan kara sida Derejada ciidamada la siiyey.

Wasiirka wasaaradda duulistu waxa uu caddeeyey in dib u balaadhinta RUN-WAY-ga ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuweit, xukuumadda Somaliland-na ay ku dartay qaybaha kale ee dhismayaasha cusubi ugu horeeyaan, taasoo markhaati ka ah meesha ay ku dambayso cashuurta laga qaado muwaadiniintu.

Md Maxamuud Xaaashi cabdi oo ka hadlayey qiimaha ay leedahay midnimo lagu galo hawl kasta oo dalku leeyahay waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la isu dulqaato lana wada yeesho iskaashi dhinac kasta si loo gaadho hadafka la tiigsanayo loogana midho dhaliyo himalada aasaasiga ah.

Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo oo munaasabadaa ka hadlaya ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo oo lagu faani karo dib u dhiska lagu sameeyey garoonka caasimadda ee Egal international Airport, waxana uu halkaa ka ballanqaaday in xukuumad ahaan ay sii wadayaan dadaalada horumarineed ee uu madaarkani ka mid yahay

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahadnaqay dawladda kuweyt doorkii muuqday ee ay ka qaadatay hawsha dib u balaadhinta gegida diyaradaha, halka sidoo kalena uu wasaaradda duulista hawada ku ammaanay sida ay uga soo baxday kaalinteedii waxqabad ee loo igmaday.

Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yahiin Wasiirada wasaaradaha warfaafinta, Arimaha gudaha iyo wasiirka Arimaha dibadda oo intii xafladdu socotay ka soo degay garoonka diyaaradaha.

Dhanka kalena Wasiirka arimaha dibadda Md maxamed Biixi Yoonis oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa sheegay in wadanka Kenya uu kulamo kula soo yeeshay safiirada wadamada midowga yurub ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kuwaasoo u caddeeyey inay soo dhoweeyeen horumarka Somaliland ku talaabsatay ee dhinacyada dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada si weyna ay u danaynayeen furitaanka madaarka caasimadda, kaasoo wax weyn ka tari doona isu socodka iyo xidhiidhka ay Somaliland la yeelan karto beesha caalamka.

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed