Guddoomiye Xamarji Oo Kormeer ku Tegey Goobaha Sahaminta Shidaalka Ee Gobolka Togdheer
Burco:17-Aug-2013-(SDN)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarji ayaa soo kormeeray deegaanka Naq-dhabiijo oo ka mid ah goobaha ku Yaalla Gobolka Togdheer ee shidaal qodistu ka socoto.
Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarji oo ka warbixiyey sida ay sahamintu u socoto, xusay in ay meel fiican marayso sahaminta shidaalka ee laga wado deegaanka Naq-dhabiijo waxana uu hoosta ka xariiqay inuu halkaas kula kulmay madaxdii shirkadda sahaminta wadda.
Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan shalay kormeer ugu baxay halka hawshu ka socoto ee laga wado sahaminta batroolku oo runtii aan odhan karo hawl balaadhan iyo shaqo ayaa ka socota, waxaana ugu bushaaraynayaa dadweynaha reer Somaliland in shaqadii sidii ugu habsamayd ee ugu fiicnayd u socoto dhawaana ay bilaabmi doonto wajigii labaad ee danbe oo ah qaybtii shaqada sahaminta shidaalka ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Xamarje tilmaamay in uu halkaas uu u tagay madaar ay shirkaddu dhisanayso oo uu qiimayn ku soo samaynayay, waxaanu shacabka ugu baaqay in hadalada mala awaalka ee bulshada dhexdeeda yaala ay ka fogaadaan.
Gobolka Togdheer ayaa ah kan ugu ballaadhan ee sahaminta shidaalku ka socoto deegaamada Somaliland, waxana jira hawlo shidaal sahamineed oo si xawli ah gobolkaas uga socda inkastoo wali aanay jirin meel si rasmi ah loo sheegay inuu shidaal ku jiraa.
Contact@somalidiasporanews.com